Home » Horyaalada » Bundesliga » Halyeegii Hore Ee Bayern Munich Steffan Effenberg Oo Dhaliil Weyn Usoo Jeediyay Pep Guariola

Halyeegii Hore Ee Bayern Munich Steffan Effenberg Oo Dhaliil Weyn Usoo Jeediyay Pep Guariola


Steffan Effenberg

Steffan Effenberg oo ka mid ah xidigahii ugu wanaagsanaa taariikhda kooxda Bayern Munich soo maraan ayaa siweyn u dhaliilsan qaabka uu macalin Pep Guardiola kooxda reer Jarmal u cayaarsiiyo.

Dhaliisha Effenberg ayaa kusoo beegmatay xili caawo Bayern Munich Semi-Finala Champion-ka lugtiisa kowaad ay la cayaari donto naadiga Barcelona.

Steffan Effenberg wuxuu yiri “Bayern inta badan kubda waxay heesataa 60 ilaa 70% kulan walbo balse dhibaatada heesato ayaa ah inaysan sameyn karin weeraro halis ah”

“Waa muhiim in Guardiola uu badalo nidaamka uu kooxdiisa u cayaarsiiyo hadii kale sidii sanadkii hore oo kale ayay Bayern koobka Yurub ugu fashilmi doontaa”

Steffan Effenberg oo Bayern Munich oo mudo 6-sano ah ka tirsanaa labo xili oo kala duwan ayaa kulanka caawo ku tilmaamay mid Guardiola lagu imtixaani doono.

“Barcelona waa naadi adag oo weeraryahano halis ah heesati sidaa darteed kulanka caawo waa imtixaan Guardiola falsafadiisa Bayern lagu tijaabain doono”

Steffan Effenberg oo 46-jir ah ayaa dhinaca kala sheegay in Bayern ay awood ahaan iska dhicin karto Barcelona inkastoo kooxda reer Jarmal ay xidigo muhiim ah dhaawac ka yihiin.

 

CCCCC KKK

Halkaan Ka dhiibo Fikirkaaga Facebook-ga Ee Warbixintaan

Fikir Ayaa Laga Dhiibatay Warbixintaan

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

You may use these HTML tags and attributes: <a href="" title=""> <abbr title=""> <acronym title=""> <b> <blockquote cite=""> <cite> <code> <del datetime=""> <em> <i> <q cite=""> <s> <strike> <strong>