Halyeeygii hore Liverpool Steven Gerrard ayaa aaminsan in saxiixa cusub ee Reds James Milner uu cadeyn karo inuu yahay saxiix guuleystay.
Liverpool ayaa horaantii bishaan la saxiixatay James Milner, isagoo kaga imaanaya Manchester City, si xor ah ayuu Anfield ku imaan doonaa Milner 1-da July, balse waxey ku xiran tahay inuu ka gudbo tijaabada caafimaad.
Intii uu ku sugnaa Manchester City wuxuu James Milner ku guuleystay laba horyaal, FA Cup iyo League Cup balse haatan wuxuu go’ansaday inuu isaga hayaamo Etihad Stadium.
Kabtankii hore Liverpool Steven Gerrard oo la hadlayay Liverpool Echo ayaa amaanay xidigaan: “Wuxuu waayo aragnimo dheeraad ah ku biirin doonaa kooxda, waxey ila tahay inuu yahay saxiix nabdoon waxna kula guuleysan kara kooxda”
“Waxey ila tahay in Milner uu wali ooman yahay, waa wiil taam ah”
James Milner ayaa la filayaa inuu safka hore ka noqdo xulka Ingiriiska kulanka ay caawa la yeelan doonaan Slovenia kulan ka tirsan isreeb-reebka Euro 2016.