Home » Falanqeynta » Hordhac: Arsenal vs Man United: – Wenger vs Van Gaal – Xifaaltan Soo Jireen Ah & Bilowga Dagaalka 2-da Macalin

Hordhac: Arsenal vs Man United: – Wenger vs Van Gaal – Xifaaltan Soo Jireen Ah & Bilowga Dagaalka 2-da Macalin


Arsenal vs Man United

 

Xifaaltamayaasha EPL-ka ugu xun ayaa ku kulmaya Emirates caawa waana kulanka ugu adag horyaalka EPL-ka todobaadkaan waxaana markii ugu horeysay horyaalka Ingiriiska isku arki doona Louis Van Gaal iyo Arsene Wenger.

Labadaan kooxood waxey ahaayeen laba kooxood oo markii ay kulmaan saxaafada caalamka ay soo hadal qaadi jirtay cida hogaanka horyaalka la wareegeysa ama qaadeysa horyaalka, balse haatan waxey arintooda joogtaa in saxaafada ay kasii hadasho kooxdii gali laheyd booska 4-aad ee loogu soo baxo Champiosn League.

Gunners oo marti loogu yahay gurigeeda rikoor fiican kama heysato Man United, inkastoo haatan ay hal dhibic ka sareyso waxeyna labada kooxood fadhiyaan boosaska 6-aad iyo 7-aad ee horyaalka.

Louis Van Gaal waxaa kooxdiisa hareeyay dhaawacyo baahsan madama 12-ka mid ah wiilashiisa ay xanuunsan yahiin ka hor kulanka Arsenal. Sidoo kale Gunners qudheeda waxey dib u heshay Giroud balse ciyaartoy kale oo ay ka mid yahiin Ozil iyo Debuchy ayaa dhaawacyo kaga maqan.

WARBIXINTA KULANKA:

Kulanka: Arsenal vs Man United

Tartanka: FA Premier League

Garoonka: Emirates Stadium

Garsoore: Mike Dean

Saacadda: 8:30 Fiidnimo (Xiliga Geeska Afrika)

YAA MAQAN, YAASE CIYAARI DOONA:

Labada kooxood waa laba kooxood oo ay saameyn ku yeesheen dhaawacyo, balse Arsenal ayaa dhigeeda United ka fiican, waxana kaliya ka maqan Debuchy, Ozil iyo Ospina iyo sidoo kale Koscielny oo aan la ogeyn waqtiga uu soo labanaayo, sidoo kale Wenger ayey la yaab ku noqotay markii loo sheegay in Arteta iyo Giroud ay diyaar u yahiin kulanka Man United, sidoo kalana Danny Welbeck oo ay dhibaato yar soo gaartay kulankii Scotland ayaa taam ah.

Dhanka kale United ayaa mareysa waqtigii ugu xumaa kadib markii kulamadii qaranka ay ku weysay xidigo muhiim u ah Daley Blind, Carrick, Shaw, De Gea iyo Di Maria ayeyna waxyeelo soo gaartay, balse Blind kaliya ayaa la xaqiijiyay inuu seegi doono kulankaas halka inta kale ay diyaar u yahiin kulanka Arsenal. United horay waxaa kaga maqnaa: Lingard, Rojo, Young, Rafael, Jones, Evans iyo Falcao kuwaas oo la ogaa iney seegayaan kulankaan goor hore.

MA OGTAHAY:

  • Juan Mata ayaa dhaliyay 4-goal, labana abuuray, shantii kulan oo uu kusoo bilowday isagoo ka hor jeeda Arsenal dhamaan tartamada oo dhan.
  • Wayne Rooney ayaa jabin doona rikoor u yaalay Robie Fowler kaas oo ah haatan xidiga goolasha ugu badan ka dhaliyay Arsenal, kaliya hal gool oo uu dhaliyo Rooney ayaa ka dhigeysa inuu la midoobo Fowler.
  • Kaliya Burnley oo laga dhaliyay 8-gool oo madax ah ayaa ka badan goolasha madaxa ah ee laga dhaliyay kooxaha EPL-ka madama arsenal laga dhaliyay 6-gool oo madax ah.
  • Alexis Sanchez ayaa Arsenal u dhaliyay 12-gool 14-kiisii kulan ee uu u ciyaaray xili ciyaareedkaan.
  • Arsenal xili ciyaareedkaan waxey guul gaartay kaliya afar kulan, dhamaan kooxaha ay gulaha ka gaartay waa kooxo ku jira safka ugu hooseeya horyaalka 14-aad ilaa 20-aad.
  • Alexis Sanchez ayaa dhaliyay goolasha ugu badan ee furitaan u ah kooxdiisa in ka badan ciyaartoyda EPL-ka, isagoo goolka hore u furay Arsenal 5-jeer.
  • Robin Van Persie ayaa dhaliyay 5-gool, lixdii kulan ee ugu dambeysay oo ay kulmaan labadaan kooxood, laba kulan Gunners ayuu matalayay, halka Sadexna United uu matalayay.
  • Danny Welbeck, shabaqa ayuu soo taabtay labadii kulan ee ugu dambeysay oo uu ciyaaray kulankaan isagoo xirnaa maaliyada Manchester United.
  • Manchester United kaliya hal guuldaro ayey ka heshay Arsenal, 14-kulan oo ay la ciyaartay dhamaan tartamada oo dhan, 10-guul, 3-barbaro & 1-guuldaro.

XIDIGAHA UGU MUHIIMSAN:

Alexis Sanchez vs Angel Di Maria: Labada Xidig Ee ugu muhiimsan labada kooxood ayaan u aragnay wiilasha reer Latin America ee haatan ku cusub horyaalka Premier League-ga. Di Maria wuxuu noqday saxiixa ugu qaalisan EPL-ka kadib markii uu Real Madrid kaga soo biiray, halka Sanchez uu isna Barcelona kaga soo biiray Arsenal taasoo ka dhigan in labada wiil ay cadaawad hore isku qabeen iyadoo ay sii raacsiisan tahay in labada dal ee ay kasoo jeedaan ay kala yahiin Chile iyo Argentina oo uusan arxan dhex oolin marka la fiiriyo xifaaltankooda Latin America.

Alexis Sanchez: wuxuu Gunners u saftay 14-kulan dhamaan tartamada oo dhan isagoo u dhaliyay 12-gool, sidoo kalana caawiyay 3-goal, 2-jaale ayuu qaatay 3-jeerna wuxuu noqday Man of the Match.

Angel Di Maria: wuxuu United u saftay 9-kulan, 3-gool ayuu u dhaliyay, sidoo kalana wuxuu caawiyay 5-gool, wax jaala ah ma qaaday 1-jeer ayuu noqday Man of the Match.

LINE UPKA MACQUULKA AH:

ARSENAL:

Szczesny; Chambers, Mertesacker, Monreal, Gibbs; Flamini, Ramsey; Cazorla, Wilshere, Sanchez; Welbeck

MAN UNITED:

De Gea; Valencia, Smalling, Blackett, Shaw; Fellaini, Herrera; Januzaj, Rooney, Mata, Van Persie

CCCCC KKK

Halkaan Ka dhiibo Fikirkaaga Facebook-ga Ee Warbixintaan

Fikir Ayaa Laga Dhiibatay Warbixintaan

One Response to Hordhac: Arsenal vs Man United: – Wenger vs Van Gaal – Xifaaltan Soo Jireen Ah & Bilowga Dagaalka 2-da Macalin

  1. xuseen Reply

    22-November-2014 at 12:44 pm

    waxay kubadin doontaa man utd 3-1 arsinal

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

You may use these HTML tags and attributes: <a href="" title=""> <abbr title=""> <acronym title=""> <b> <blockquote cite=""> <cite> <code> <del datetime=""> <em> <i> <q cite=""> <s> <strike> <strong>