Manchester United ayaa dagaal adag u gali doonto iney xili ciyaareedka dambe tartanka horyaalada yurub ka ciyaarto guuldaro ama barbardhac ay la kulanto waxey walwal galin doontaa rajada kooxda United ee usoo bixitaanka tartankaan.
Liverpool ayaa kusoo dhaw oo afar dhibcood ka hooseysa iyadoo la ciyaareysa Chelsea berito waxaana Louis Van Gaal wiilashiisa ay u baahan yahiin guul si ay ugu dhawaadaan iney xaqiijiyaan kaalintooda tartanka horyaalada yurub.
WARBIXINTA KULANKA:
Kulanka: Crystal Palace vs Manchester United
Tartanka: FA Premier League
Garoonka: Selhurst Park
Saacadda: 7:30 Fiidnimo (Xiliga Geeska Afrika)
Garsoore: Micheal Olivier
YAA MAQAN, YAASE CIYAARI DOONO?
Michael Carrick ayaa seegi doona kulanka maanta isagoo sidoo kale seegi doono dhamaan kulamada ka haray horyaalka, xidigaan ayaan garoomada kasoo muuqan tan iyo 12-kii April markaas oo ay kooxdiisa 4-2 ku garaacday Man City. sidoo kale Evans, Luke Shaw, Rafael iyo Marcos Rojo ayaa iyaguna xanuuno qaba.
Dhanka kale Fraizer Campbell iyo Marouane Chamakh labaduba dhaawac dhanka muruqa ah ayey ku maqan yahiin, sidoo kalana Jerome Thomas ayaa isna dhaawac kaga maqan.
MA OGTAHAY:
Manchester United wax guuldaro ah kalama kulmin Crystal Palace 13-kii kulan ee ugu dambeeyay oo ay la ciyaartay iyadoo badisay 11-kulan.
Manchester United wax gool ah ma dhalin labadii kulan ee ugu dambeeyay oo ay banaanka kusoo ciyaarto.
Markii ugu dambeysay oo ay sadex jeer oo xiriir ah oo ay banaanka aadeen aysan gool dhalin waxey aheyd April 2005.
Man United markii ugu dambeysay oo ay afar jeer oo xiriir ah guuldaro la kulanto kulamada horyaalka waxey aheyd 1979-kii.
LINE UPKA MACQUULKA AH: