Goobta waa Anfield kulankana waa Barclays Premiership-ka kooxahana waa Liverpool iyo Man United dabcan waxaad filan kartaa kulan dhib badan oo ay cayaari doonaan cayaartooyda garoonka ku jiraan iyo xitaa taageerayaasha kulankan daawan doonaan.
Kulankan waa mid labadan koox ahmiyad gaar ah u leh inkastoo ay yihiin labada naadi ee dalka England ugu guulaha badan hadana waxay haatan isku heestaan booska 4-aad ee xili cayaareedka Champion-ka Yurub looga qayb qaadan doono.
Liverpool kulankan wuxuu ugu soo beegmay xili ay jawi wanaagsna ku jiraan weliba sanadkan 2015 Reds dhinacooda dhulka lama dhigin.
Dhanka Man United todobaadkii hore wacdaraha ay dul dhigeen kooxda Tottenham marka laga soo tago sanadkan 2015 xaalkooda waa marna kac marna kuf.
Phillipe Coutinho oo ka hadlaayo kulankan adag wuxuu yiri “Hadii aan Man United ka badino waxay u dhigantaa inaan lix dhibcood helnay hadii ay naga badiyaan waxayna u dhigantaa in lix dhibcood nagala qaatay kulankan”
Sidaa darteex xidiga reer Brazil cayaartan wuxuu ku tilmaamay mid lagu heli doono inka badan sedex dhibcood asigoo ula jeedo muhiimada ay koox walbo u leedahay inay galabta guul gaarto.
Macalin Van Gaal oo isagana ka hadlaayo kulankan wuxuu yiri “Waxaan u maleynaa in cayaaryahan walbo oo naga tirsan inuu ka dharagsan yahay muhiimada kulankan leeyahay”
“Waxaan doonayaa inaan kulankan guuleesano si aan safka hore baaqi ugu sii ahaano sidoo kalena waa muhiim inaan feejignaan dheeri ah la imaano cayaartan.
Aqbaar Ku Saabsan Xidigaha Labadan Naadi:
Inkastoo kabtan Gerrard uu todobaadkii hore garoomada kusoo laabtay hadana halyeegan galabta wuxuu ku qanci doonaa inuu kursiga keydka fariisto asigoo badal kusoo gali doono.
Sidoo kale Mario Balotelli aya kooxda dib ugu soo laabtay kadib markii uu xanuun kaga maqnaa kulankii ugu dambeeyay kooxdiisa.
Lucas Leiva, Jon Flanagan, Jordan Ibe, Bradley Jones dhamaantood waxay kulankan ku seegi doonaan dhaawac ay mudo dheer garoomada kaga maqan yihiin.
Luke Shaw iyo Marcos Rojo taam u ahan in kulankan lagu soo bilaabo balse kursiga keydka ayay soo fariisan doonaan.
Johnny Evans ayaa ganaax ku maqnaan doono halka Robin Van Persie uu isagana dhaawac weli kasoo kabanin mana safan doono kulankan adag.
Xaqiiqooyin Kulankan Xiisaha Badan U Gaar Ah
Liverpool guuldaro waxaa ugu dambeesay bishi December ayadoo markaas kala kulantay naadiga Man United.
Guud ahaan Reds 13-kulan ee ugu dambeesay oo ay sanadan 2015 cayaartay EPL marnaba dhinacooda dhulka lama dhigin.
Man United kaliya labo kulan ayay guuldaro la kulantay EPL laga soo bilaabo bishii November markii ay guuldaro kala kulantay kooxda ay deriska yihiin Man City.
Steven Gerrard 7-gool ayuu ka dhaliyay Man United 11-kulan ee ugu dambeesay EPL ee uu kooxdan ka hortagay.
Hadii Liverpool galabta guuldaro ku dhicin waxay bar baree doontaa iskoorka xili cayaareedkan Chelsea u yaalo taasi oo ah in Blues aan 14-kulan laga badin xii cayaareedkan.
Man United kaliya hal guuldaro ayay la kulantay 9-kulan ee ugu dambeesay oo ay ku cayaartay meel ka baxsan garoonkeeda EPL 4-bar baro ah, 4-guul ah iyo 1-guuldaro ah.
Liverpool 7-ka mid ah 9-kulan ee ugu dambeeyay oo ay EPL cayaartay wax gool ah lagama dhalinin.
Sidoo kale Liverpool waxay guuleesatay 8-ka mid 9-kulan ee ugu dambeeyay oo ay EPL cayaartay.
Man United 3-kulan ee ugu dambeesay EPL wax gool ah lagama dhalin.
Line Up-ka Macquulka ah oo ay labadan naadi galabta kusoo gali doonaan:
Liverpool: Mignolet, Can, Sakho, Skrtel, Henderson, Allen, Moreno, Markovic, Coutinho, Sterling, Sturridge
Man United: De Gae, Jones, Smalling, Blind, Valencia, Carrick, Herrera, Fellaini, Young, Mata, Rooney
Reds4erer
22-March-2015 at 9:55 am
United waa la kufsandoonaa maanta taas iga qora
united boy
22-March-2015 at 10:53 am
Mar waliba xusuxnow dhacdadii ugu dambeesay 3-0 mantana waaaaaaa 4-0 in anfeld stadium liverpool township city in united kingdom bro ana joga manta garonga anfdl wana marki sedaxaad aan tago ano la socda lot of funs & my frends. Take it easy bro this is