Liverpool ayaa wacdaro aan caadi aheyn ka wada suuqa kala iibsiga ciyaartoyda qaarada yurub waxeyna haatan sameysay shan saxiix oo aan la saadaalin karin wajiyada ay horyaalka soo aadan la imaan doonaan.
Sida ay qortay Independent kooxda ka dhisan Anfield waxey dooneysaa iney soo xerogaliso Christian Benteke si uu awood ugu yeelo weerarkooda, balse laba xidig oo kooxda ka mid ah ayaa aadi doona Aston Villa si lacagaha tirada badan ee ay kooxdisa duldhigtay loo yareeyo.
Fabio Borini iyo Rickie Lambert aya aadi doona Aston Villa si ay u helaan Benteke balse lama shaacin lacagaha ay raacin doonaan madama xidigaan 32.5 Malyan Oo Pound lagu jabin karo heshiiska uu Villa kula jiro.
Sidoo kale warbixinta ay qortay Indepedent waxey sheegeysaa in Liverpool dalab 22 Malyan Oo Pound ah laga soo diiday, balse ay fikirkaan ku dhaqaaqeyso.
Lambert oo kaliya hal xili ciyaareed ku qaatay Anfield ayaa isaga tagaya kooxda madama uu ku wareeray wuxuuna haatan Borini kula biirayaa ka qeyb galka heshiiska Benteke.
Ugu dambeyntiina Reds waxey xooga saari doontaa Benteke madama looga adkaaday Carlos Bacca oo cadeeyay inuu Milan heshiis la gaaray.