Agaasimaha guud ee kooxda Inter Milan Marco Fassone ayaa shaaca ka qaaday inay ka warheleen qorshaha kooxda Liverpool ku dooneyso inay xagaagan goolhaye Samir Handonavic heshiis kula gaari laheyd.
Inter oo aan ka maarmin goolhayahan qabiirka ah ayaa sheegtay in qorshaha Liverpool ay ka hortagi doonto sidoo kalena aysan marnaba is dhiibi doonin inkastoo ay ka warqabaan mushaaraadka faraha badan ee Liverpool kusoo jiidaneyso Handonavic.
30-jirkan qandaraaskiisa waxaa ka harsan mudo 12-bilood oo qura sidaa darteed cabsi weyn ayaa garoonka San Serio ka jirto inuu Handonavic boorsadiisa u qaato garoonka Anfield xagaagan nagu soo fool leh.
Hadaba agaasime Marco Fassone oo la hadlaayay Tuttosport wuxuu yiri “Sidii aan Samir heshiis kaga saxiixi laheyn qorshahaas waan wadnaa waxaana rajeynaa inaan xagaagan dhameestirno arinkaas”
“Ma ahan wax aan caqbali karno in xili cayaareedka dambe uu noo bilaawdo anagoo og in Samir naga tagi doono sanadka dambe bartamihiisa”
“Waan la soconaa kooxo badan inay ku raad joogaan saxiixiisa balse waa inaan la kulanaa oo aan kala hadalnaa waxa uu u baahan yahay iyo sida aan baahidiisa u haqabtiri karno”