Wargesyada gobolka Catalunya kasoo baxaan ayaa ku dareen Jack Wilshere liiska xidigaha kooxda Barcelona u diwaan gashay si ay booska halyee Xavi Hernandez u buuxiyaan.
Jack Wilshere oo khadka dhexe kaga cayaaro xulka England iyo naadiga Arsenal ayaa ka mid noqon doono xidigaha ay kooxda Barcelona lasoo xariiri doonto si ay booska Xavi u buuxiyaan.
Xidigaha kale ee Barca liiska ugu jiraan waxaa ka mid ah Paul Pogba, Marco Verratti, Ilkay Gundogan, Joe Moutinho iyo Santi Cazorla.
Xavi oo 35-jir ah ayaa dhawaan kooxda Barcelona macsalaameeyay wuxuuna ku biiray naadiga Al Sadd ee ka dhisan dalka Qatar.
Lama hubo in kooxda Arsenal ay iska iibin doono Wilshere oo 23-jir ah inkastoo xidigan dhaawacyo joogto ah ragaadiyeen sanidihii ugu dambeeyeen.
Wilshere waxaa lagu qiimeeyaa 30-milyan oo pound balse Barcelona xagaagan qorshaha uguma jiro inay xidigan iyo kooxdiisa Arsenal wada hadalo la furto.
bukhaari
22-July-2015 at 4:01 pm
asc dhamaan bahda hiilkubad ani ahaan waxay ila tahay nin aan bogba ahay inuusan buuxin karin boozka xavi because hadaan fiirino wilshere iyo bogba meelkasta waxa ku fiican bogba haday tahay sbear hardi iyo difaacasho hadaan nahay tageerayaasha barcelona bogba maahe ciyaaryahan kale nama maro viva barca and man united