Home » Maxaa Cusub » Jens Lehmann Oo La Hadlay Petr Cech: “Waa Inaad Iska Ilowdo Jaceylka Chelsea Si Aad Koobab Ula Qaado Arsenal”

Jens Lehmann Oo La Hadlay Petr Cech: “Waa Inaad Iska Ilowdo Jaceylka Chelsea Si Aad Koobab Ula Qaado Arsenal”


Cech

Halyeeygii hore kooxda Arsenal iyo Xulka Jarmalka Jens Lehmann ayaa aaminsan in goolhayaha cusub ee kooxda Petr Cech uu koobab kula guuleysan karo Arsenal waase hadii uu iska iloobo jaceylka uu Chelsea u qabay.

Goolhayahaan reer Czech Republic ayaa kazoo guuray galbeedka London madama uu boos joogto ah ka waayay kooxda Chelsea, wuxuuna 11 Malayan Oo Pound ku yimid Wenger oo kula balamay inuu boos joogto ah siind oono.

Goolhayihii hore Arsenal Jens Lehmann ayaa ku fakaraya in Cech uu kala duwanaasho abuuri karo, balse waa inuu sida ugu dhaqsiyaha badan niyadiisa uga saaraa jaceylka Blues.

“Ka hor inta aadan galin qalbigaaga inaad koobab ku guuleysato mar kale, waa inaad iska tuurtaa jaceylkii hore ee Chelsea” Ayuu Jens Lehmann u sheegay The Sun.

“Sida xirfadle kubadeed – Waa inuu iska iloobo xiriirka kala dhaxeeya Chelsea, isla markaana uu ogaadaa in Arsenal ay mar kale u baahan tahay iney koobab ku guuleysato”

“Wax fudud maahan maskaxiyan ahaan, waxey ku qaadan kartaa dhowr isbuuc ama dhowr bilood”

Si kastaba Petr Cech ayaa xagaaga soo socda goolka u qaban doona Gunners, balse waxaa macquul ah iney waayaan David Ospina oo reer Colombia ah.

CCCCC KKK

Halkaan Ka dhiibo Fikirkaaga Facebook-ga Ee Warbixintaan

Fikir Ayaa Laga Dhiibatay Warbixintaan

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

You may use these HTML tags and attributes: <a href="" title=""> <abbr title=""> <acronym title=""> <b> <blockquote cite=""> <cite> <code> <del datetime=""> <em> <i> <q cite=""> <s> <strike> <strong>