Home » Maxaa Cusub » John Terry Oo Ka Hadlay Qorshaha Uu Goolhaye Petr Cech Arsenal Ku Aadayo Iyo Waxa Uu Gunners-ka Ku Kordhin Karo

John Terry Oo Ka Hadlay Qorshaha Uu Goolhaye Petr Cech Arsenal Ku Aadayo Iyo Waxa Uu Gunners-ka Ku Kordhin Karo


petr-cech-john-terry-chelsea_1pax5lz644x2e1thbx43rr42ev

Kabtanka kooxda Chelsea John Terry ayaa amaan balaaran kala dul dhacay saaxiibkiis Petr Cech oo go’aansaday inuu ku biiro naadiga Arsenal.

Terry oo arinkan ka hadlaayo wuxuu yiri “Petr iyo Arsenal wada hadalo ayaa u socdo waxaana rajeynaa inuu dhawaan ku biiri doono”

‘Petr waa xidig aad noogu weyn sidoo kalena sanado badan Chelsea wax usoo qabtay anigana shaqsi ahaan amaan weyn ayaan u hayaa”

“Waa hubaal Arsenal awood dheeraad ah ayuu ku kordhin doonaa sidoo kalena 12-dhibcood ilaa 15-dhibcood oo sanad walbo ka lumi jirtay Arsenal ayuu u bad baadin doonaa”

“Waan fahmi karnaa wuxuu u baahan yahay inuu todobaad walbo cayaaro waana xidig xushmad naga mudan madaama uu waqti dheer Chelsea usoo halgamaayay”

“Waa hubaal siweyn ayaan dhamaanteena u tabi doonaa sidoo kalena kooxda uu ku biiro siweyn ayuu u kasban doonaa awood ahaan wuu xoojin doonaa”

Petr Cech oo 33-jir ah ayaa heshiiska shaqsiga ah Arsenal la gaaray haatan wuxuu sugaa goolhayahan in Arsenal iyo Chelsea ay heshiis wada gaaraan sidii uu garoonka Emirates mustaqbalkiisa cayaareed uga sii wato.

CCCCC KKK

Halkaan Ka dhiibo Fikirkaaga Facebook-ga Ee Warbixintaan

Fikir Ayaa Laga Dhiibatay Warbixintaan

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

You may use these HTML tags and attributes: <a href="" title=""> <abbr title=""> <acronym title=""> <b> <blockquote cite=""> <cite> <code> <del datetime=""> <em> <i> <q cite=""> <s> <strike> <strong>