Sida ay ku waramayaan warbixino ka imaanaya dalka talyaaniga kooxda marwada duqda ah ayaa xiriir la sameysay dhigeeda PSG iyadoo ka dooneysa xidiga reer Argentina ee Javier Pastore.
TuttoMercatoWeb. ayaa qoray in kooxda Turin ka dhisan ay damacsan tahay iney soo xerogaliso Pastore iyadoo dib ugu soo celineysa horyaalka Serie A-da.
Javier Pastore waxaa la filayaa inuu isaga tago kooxda ka dhisan Parc des Princess madama uusan boos joogto ah ka heysan sidaas darteed Juventus ayaaba dooneysa iney xidigaan ku xoojiso kooxdeeda xagaaga soo aadan.
Dhanka kale macalin Massimilano Allegri ayaa doonaya inuu kooxdiisa ka adkeeyo labada dhinac si ay ugu fudadaato inuu ciyaaro shaxda 4-3-3 waana u muhiim inuu helo Javier Pastore.,
Ugu dambeyntii PSG waxey isha ku heysaa Paul Pogba, waxaana macquul ah iney arinkaas dartiis si fiican usoo dhaweyso Juventus.