Home » Maxaa Cusub » Kabtan Kompany Oo Wacad Ku Maray In Man City Soo Laba Kacleyn Doonto

Kabtan Kompany Oo Wacad Ku Maray In Man City Soo Laba Kacleyn Doonto


Kompnay

Kooxda uu hogaamiyo macalin Manuel Pelligrini kulankii ugu dambeeyay naadiga Crystal Palace ayaa dhulka ku jiiday haatana kaalinta 4-aad Premiership-ka England kaga jiraan iskaba dhaaf inay u tartamaan hanashada EPL.

Balse kabtanka kooxda Man City Vincent Kompany ayaa isku kalsoon wuxuuna ka dhawaajiyay in kooxdiisa ay soo rogaal celin doonto.

“Aniga waxaan hubaa inaan dib usoo laba kacleyn doono, marxaladan oo kale xili cayaareedkii hore ayay na qabsatay waana ka kabsanay haatana sidaas ayaan rajeynaa”

“Inkastoo xili cayaareedka dhamaad ku dhaw yahay hadana waxaan ku kalsoonahay inaan guuleesan karno kulamada ka harsan xili cayaareedkan”

“Axada Man United ayaan wajihi doonaa marwalbo muhiim ma ahan kaalinta aad ku jirtid balse marwalbo kulankan waa id Derby ah waxaana rajeynaa inaan guul ka gaarno kulankan”

Man City 4-kulan ee ugu dambeeyay oo ay ku cayaartay meel ka baxsan garoonkeeda guuldaro ayay kala soo laabatay dhamaan tartamada kala duwan sida darteed kooxda ayadoo xaalka ku xun yahay ayay Old Trafford u amba bixi doontaa todobaadka dambe.

CCCCC KKK

Halkaan Ka dhiibo Fikirkaaga Facebook-ga Ee Warbixintaan

Fikir Ayaa Laga Dhiibatay Warbixintaan

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

You may use these HTML tags and attributes: <a href="" title=""> <abbr title=""> <acronym title=""> <b> <blockquote cite=""> <cite> <code> <del datetime=""> <em> <i> <q cite=""> <s> <strike> <strong>