Home » Maxaa Cusub » Kooxda Chelsea Oo Dooneyso Labo Ka Mid Ah Daafacyada Naadiga Atletico Madrid Inay Xagaagan Lasoo Saxiixato

Kooxda Chelsea Oo Dooneyso Labo Ka Mid Ah Daafacyada Naadiga Atletico Madrid Inay Xagaagan Lasoo Saxiixato


Miranda

Telegraph ayaa aad ugu dhuun daloolo qorshaha macalin Jose Mourinho xagaagan suuqa Yurub kaga soo dukaameesan doono.

Sidaa darteed wargeskan ayaa banaanka soo dhigay xog la isku haleen karo taasi oo sheegeyso in Chelsea ay xagaagan gudahiisa lasoo saxiixan doonto labo ka mid ah daafacyada kooxda Atletico Madrid.

Macalin Mourinho xili cayaareedka dambe John Terry kaliya iskuma haleen karo madaama Gary Cahil iyo  Kurt Zouma uu gaabis weyn ku arkay xili cayaareedkii dhawaan soo idlaaday.

Sidaa darteed Chelsea waxay ku guuleesan rabtaa saxiixa daafaca reer Belgium Toby Alderweireld kaasi oo xili cayaareedkii dhawaa qaab amaah ah kula joogya naadiga Southampton.

26-jirkan milkiyadiisa ay leedahay kooxda Atletico Madrid ayaa diyaar u ah inuu dalabka Chelsea aqbalo kana hoos cayaaro macalin Mourinho.

Daafaca waaya araga ah Miranda isagana kooxdiisa Atletico Madrid ayuu ka codsan doonaa in xagaagan la iska fasaxo wuxuuna bar dhamaadkiisa noqon doonaa garoonka Stamford Bridge.

Daafacan u dhashay dalka Brazil ayaa ku faraxsan in waxqabadkiisa cayaareed uu kooxda Chelsea kusoo jiitay waxaana lagu qiimeeyaa 25-milyan oo pound.

CCCCC KKK

Halkaan Ka dhiibo Fikirkaaga Facebook-ga Ee Warbixintaan

Fikir Ayaa Laga Dhiibatay Warbixintaan

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

You may use these HTML tags and attributes: <a href="" title=""> <abbr title=""> <acronym title=""> <b> <blockquote cite=""> <cite> <code> <del datetime=""> <em> <i> <q cite=""> <s> <strike> <strong>