Los Angeles Galaxy ayaa shaaca ka qaaday iney soo bandhigi doonaan saxiixooda cusub ee kooxda Steven Gerrard inta lagu guda jiro todobaadkaan.
Ilo lagu kalsoon yahay ayaa xaqiijiyay in Halyeeygii Liverpool Steven Gerrard saxaafada loosoo bandhigi doono inta lagu maqan yahay nasashada kulanka ay kooxda LA Galaxy la ciyaari doonto todobaadkaan kooxda Toronto.
35-jirkaan reer England ayaa soo afjaray 17-sano oo uu xirnaa maaliyada Liverpool wuxuuna heshiis 18-bilood ah la galay kooxdaa mareykanka ka dhisan.
Ka hor inta uusan kulankiisa ugu horeeya u safan kooxdiisa 11-ka July kulanka ay wajahayaan Club America, Gerrard waxaa lasoo bandhigi doonaa sabtida kulanka ay kooxdisa la yeelan doonto Toronto waliba daqiiqadaha lagu maqan yahay nasashada.
Ugu dambeyntii Nolosha Gerrard ee MLS-ka ayaa bilaabaneysa la arki doonee wixii uu la yimaado, inkastoo halyeeyo badan ay joogaan.