Home » Maxaa Cusub » Kooxda Man City Oo £150million Kusoo Iibsan Doonto 4-Xidig Oo Qaarada Yurub Caan Ka Ah

Kooxda Man City Oo £150million Kusoo Iibsan Doonto 4-Xidig Oo Qaarada Yurub Caan Ka Ah


Sterling-and-Pogba

Kooxda Man City xagaagan siweyn ayay suuqa Yurub ugu mashquulsan tahay sidaa darteed maamulka kooxdan ayaa isku raaceen in £150million ay kusoo xero galiyaan 4-cayaaryahan oo qaarada Yurub caan ka ah.

Maamulka Man City dhawaan waxay isku raaceen in lacago xoog leh la qarash gareeyo si kooxdan dib u dhis xoogan loogu sameeyo.

Xidiga khadka dhexe kaga cayaaro naadiga Marseille Giannelli Imbula ayay kooxda Man City ku guuleesan rabaa saxiixiisa waxayna ku qaadan rabtaa £22m.

Sidoo kale kubad sameeye Kevin De Bruyne isagana garoonka Etihad inuu usoo dhaqaaqo ayuu ku dhow yahay madaama kooxdiisa VFL Wolfsburg ay aqbali rabto dalab lagu sheegay £30m.

City culeeska ugu weyn waxay kala kulmi doontaa sidii ay kusoo xero galin laheyd xidigaha kala ah Paul Pogba iyo Raheem Sterling.

Warbixin cusub ayaa lagu sheegay in Man City dalab £58m ay dhigeeda JUventus u gudbisay sidii ay Pogba kaga heli lahayd balse weli wax jawaab ah ma helin.

Ugu dambeyntii Raheem Sterling Man City qiimaha ay ku dooneyso sare ayay u qaadan waxaana haatan diyaar ka ah £40m.

CCCCC KKK

Halkaan Ka dhiibo Fikirkaaga Facebook-ga Ee Warbixintaan

Fikir Ayaa Laga Dhiibatay Warbixintaan

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

You may use these HTML tags and attributes: <a href="" title=""> <abbr title=""> <acronym title=""> <b> <blockquote cite=""> <cite> <code> <del datetime=""> <em> <i> <q cite=""> <s> <strike> <strong>