Sida ay qortay Superdeporte kooxda Valencia ee dalka Spain ayaa dooneysa ineysan si fudud ku bixin daafaca reer Argentina ee diirada u saaran kooxda Manchester United Nicolas Otamendi.
Macalinka cusub ee kooxda Valencia Nuno ayaa xidigaan ka helay qaabkiisa sidoo kalana kooxda waxey hiigsi ugu jirtaa iney Champions League-ga kasoo muuqato xagaaga soo aadan, sidaa darteed waxey muhiim u aragtay in Otamendi uu kooxda baaqi kusii ahaado.
Sida ay tilmaamayeen warbixino ka imaanayay Spain bilooyinkii lasoo dhaafay kooxda Man United ayaa bartilmaameed koowaad ka dhiganeysay xidigaan heerka caalami si ay xagaaga dambe ugu adkeyso daafaceeda biya deeska ah ee haatan.
Qorshahaan ma ahan kaliya mid ku socda Otamendi ee waa qorshe ay kooxda ku dooneyso iney dhamaan heshiisyo kaga saxiixdo xidigaha muhiimka ah siday: Jose Luis Gaya, Dani Parejo, Pablo Piatti iyo Sofiane Feghouli kuwaas oo ah xidigaha ugu muhiimsan kooxda.
Ugu dambeyntii arintaan ayaa hungo u ah kooxda Man United taasoo wax badan daba socotay arinta xidigaan kasoo ifay horyaalka La Liga.