Home » Horyaalada » France League I »  Lama Filaan: Halyee Thierry Henry Oo Kusii Jeedo Kooxda PSG

 Lama Filaan: Halyee Thierry Henry Oo Kusii Jeedo Kooxda PSG


Thierry-Henry

Sida aan kasoo xiganay talkSPORT halyeegii hore ee kooxda Arsenal Thierry Henry ayaa dib ugu soo laaban rabo qaarada Yurub wuxuuna markan ku biiri doonaa naadiga PSG.

Kadib markii uu mudo 4-sano ah ka tirsanaa naadiga New York Red Bulls wuxuu Henry doonayaa ka hor inta uusan cayaaraha ka fariisanin inuu dalkiisa hooyo ka cayaaro.

37-jirkan wuxuu doonayaa inuu bisha Janaayo kooxdiisa New York Red Bulls macsalaameeyo sidoo kalena uu dib ugu laabto Ligue 1 France madaama ay dalab wanaagsan kooxda PSG usoo bandhigtay waxaana lagu wadaa inuu booska Edinson Cavani oo Paris isaga tagi rabo.

Sidoo kale naadiga AS Monaco oo uu Henry kusoo caan baxay ayaa dooneyso inay la saxiixato balse ruug cadaagan ayaa doonayo inuu caasimada France waqtigiisa cayaareed kusoo gaba gabeeyo.

CCCCC KKK

Halkaan Ka dhiibo Fikirkaaga Facebook-ga Ee Warbixintaan

Fikir Ayaa Laga Dhiibatay Warbixintaan

One Response to  Lama Filaan: Halyee Thierry Henry Oo Kusii Jeedo Kooxda PSG

  1. yuusuf nuur jowhar Reply

    10-October-2014 at 9:51 am

    waxan ku farax saNAHAY WIILKEENII HORE OO DIB UGU SOO LAABTAT QARADA YURUB

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

You may use these HTML tags and attributes: <a href="" title=""> <abbr title=""> <acronym title=""> <b> <blockquote cite=""> <cite> <code> <del datetime=""> <em> <i> <q cite=""> <s> <strike> <strong>