Home » Horyaalada » La Liga Spain » Lionel Messi “Aniga Iyo Cristiano Ronaldo Xifaaltan Nagama Dhaxeeyo Waa Arin Saxaafada Wadato!”

Lionel Messi “Aniga Iyo Cristiano Ronaldo Xifaaltan Nagama Dhaxeeyo Waa Arin Saxaafada Wadato!”


cristiano-ronaldo-448-fighting-with-lionel-messi-real-madrid-vs-barcelona-wallpaper-2012

27-jirka 4-jeer ku guuleestay abaal marinta Ballon d’Or sidoo kalena dhawaan kooxda Barcelona u qaaday koobka horyaalada Yurub ayaa wax kama jiraan ku tilmaamay inuu xifaaltan kala dhaxeeyo Cristiano Ronaldo.

Lionel Messi ayaa sheegay in saxaafada ay marwalbo sameyso ama abuurto xasarad aan jirin oo la dhex dhigo asiga iyo Cristiano Ronaldo oo ah laacibka ay marwalbo sida gaarka ah u tartamaan.

Messi oo arinkan ka hadlaayo wuxuu yiri “Ma jiro wax xifaaltan ah oo naga dhaxeeyo aniga iyo Cristiano Ronaldo”

“Kaliya waa arin ay saxaafada abuurto mana ahan arinka Messi Vs Ronaldo sidoo kalena ma ahaan doonto”

Lionel Messi ayaa in ka badan 400-gool u dhaliyay tan iyo markii Barcelona uu bilaabay inuu cayaaraha caalamiga ah u cayaaro sanadii 2004.

Sidaa darteed Messi ayaa sheegay inuu cayaaraha kusoo qatimi doono garoonka Camp Nou kuna faraxsan yahay ka mid ahaan shaha Barcelona.

“Barcelona wax walbo ayay i siisay waxay i siisay fursad aan qof kale ka heli laheyn mana ku fikirin waligey inaan ka cayaaro meel kale”

“Waan sii joogi doonaa Barcelona mudo dheer ilaa inta ay ii baahan tahay kooxdeyda waayo Camp Nou wax walbo ayaan ku heestaa”

CCCCC KKK

Halkaan Ka dhiibo Fikirkaaga Facebook-ga Ee Warbixintaan

Fikir Ayaa Laga Dhiibatay Warbixintaan

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

You may use these HTML tags and attributes: <a href="" title=""> <abbr title=""> <acronym title=""> <b> <blockquote cite=""> <cite> <code> <del datetime=""> <em> <i> <q cite=""> <s> <strike> <strong>