Daafaca midig ee kooxda Southampton Nathaniel Clyne ayaa maanta caafimaad u mari doona Liverpool ka hor inta uusan qalinka ku duugin heshiis shan sano ah.
Xidigaan reer England ayaa la rajeynayaa inuu ka mid noqdo saacadaha soo socda Liverpool, waxaana la aaminsan yahay in Liverpool iyo Southampton ay todobaadkii hore ku heshiiyeen aduun dhan 12.5 Malyan Oo Pound.
Liverpool Echo, ayaa qortay in maanta oo Isniin ah uu Nathaniel Clyne caafimaadka u mari doono kooxda Liverpool isla markaana uu heshiis waqti dheer qalinka ugu duugi doono kaas oo gaaraya ilaa shan sanadood.
Clyne ayaa noqon doona saxiixii lixaad ee Liverpool waxaana horay ay kooxda ula soo saxiixatay James Milner, Danny Ings, Roberto Firmino, Adam Bodgan iyo Joe Gomez.
Ugu dambeyntiina Liverpool ayaa xagaagii hore ku dhameysatay kaalinta lixaad waxeyna dooneysaa iney xagaagan boosaska hore gasho.