Kooxda Liverpool ayaa kusii dhawaaneyso soo xero galinta Carlos Tevez oo diyaar u ah inuu xagaagan kooxdiisa Juventus isaga hayaamo.
Wargeska Metro ayaa sheegay in Liverpool ay gacanta kusoo dhigi karto Carlos Tevez 72-saac ee nagu soo fool leh gudaheeda madaama xidigan uu go’aan ku gaari doono inuu Juventus isaga hayaamo.
Sidoo kale Metro ayaa sheegay in Liverpool ay weeraryahankan waaya araga ah ku qaadan doonto £10m madaama qandaraaska uu Juve kula joogo mudo 12-bilood ah ka harsan tahay.
31-jirkan xili cayaareedkii dhawaan soo idlaaday wacdaro xoog leh ayuu dhigay asigoo kooxdiisa Juventus u dhaliyay 29-gool dhamaan tartamada kala duwan sidoo kalena wuxuu ka caawiyay hanashada Serie A-da iyo Copa Italia halka Champion-ka uu Final soo gaarsiiyay.
Kooxaha Atletico Madrid iyo Boca Juniors ayaa sidoo kale Tevez dabagal ku hayaan balse wargeska Metro ayaa sheegay in Liverpool ay xidigan kusoo jiidan doonto mushaar aad u sareeyo xagaagan.