Home » Maxaa Cusub » Liverpool Oo Diirada Saartay Sidii Ay Kula Soo Saxiixan Laheyd Xidiga Everton Ka Tirsan James McCarthy

Liverpool Oo Diirada Saartay Sidii Ay Kula Soo Saxiixan Laheyd Xidiga Everton Ka Tirsan James McCarthy


James McCarthy

Ma ahan arin caadi ah in kooxaha dariska ah Liverpool iyo Everton ay cayaartooy kala qaataan sidoo kalena labadan naadi xifaaltan weyn ayaa ka dhaxeeyo.

Hadana The Express ayaa sheegay in Liverpool ay xagaagan qorshaha ku darsatay sidii ay kula soo saxiixan laheyd James McCarthy waxayna Liverpoool u aragtaa xidigan inuu booska Steven Gerrard buuxin karo.

Liverpool ayaa dooneyso inay ka faa’iideesato xaalada jah wareersan oo ay kooxda Everton ku sugan tahay sidoo kalena macalinka Everton Roberto Martinez mustaqbalkiisa cayaareed ma fadhiyo.

Arimahaas waxay Liverpool u sahli karan inay James McCarthy gacanta kusoo dhigto wuxuuna xidigan snadihii ugu dambeeyay sameeyay hormar aad u sareyso.

Dhanka kale halyeegii hore ee Liverpool Ditmar Hamman ayaa dhankiisa ku booriyay Reds inay xidiga lasoo saxiixdaan wuxuuna yiri “James waa xidig wanaagsan sidoo kalena ku haboon nidaamka ay cayaarto”

“Waxaan ku boorin laa inay xagaagan lasoo saxiixdaan madaama uu boosk Steven Gerrard xidigan buuxin karo inkastoo uusan waaya arag dhameestiran ahayn”

CCCCC KKK

Halkaan Ka dhiibo Fikirkaaga Facebook-ga Ee Warbixintaan

Fikir Ayaa Laga Dhiibatay Warbixintaan

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

You may use these HTML tags and attributes: <a href="" title=""> <abbr title=""> <acronym title=""> <b> <blockquote cite=""> <cite> <code> <del datetime=""> <em> <i> <q cite=""> <s> <strike> <strong>