Kooxda Liverpool ayaa ka war heshay in weeraryahanka xulka Jarmalka Mario Gomez uu kooxdiisa Fiorentina ka dalbaday in xagaagan la iska fasaxo.
Sidaa darteed Liverpool oo xiriir wanaagsan la leh kooxda Fiorentina ayaa la xariirtay dhigeeda waxayna kala hadashay qaabkii Mario Gomez looga iibin lahaa.
Tuttomercatoweb ayaa sheegay in Liverpool ay kalsooni ka muujisay helitaanka Gomez oo diyaar u ah inuu mustaqbalkiisa cayaareed kasii wato Premiership-ka England.
Mario Gomez xili cayaareedkii dhawaa kooxdiisao Violla wuxuu u dhaliyay 10-gool asigoo inta badan dhaawac ku maqnaa.
Balse macalin Brendan Rodgers ayaa ku kalsoon in Gomez uu wax badan ka wanaagsanaan doono Mario Balotelli oo ku guul dareestay xili cayaareedkii dhawaa inuu Reds goolal muhiim ah u dhaliyo.
Gomez waa weeraryahan dhalintiisa aad u wanaagsan tahay wuxuuna guud ahaan dhaliyay waayihiisa kubada cagta 166-gool asigoo cayaaray 308-kulan.
Gomez xiligiisii ugu wanaagsanaa wuxuu lasoo qaatay naadiga Bayern Munich asigoo xili cayaareedkii 2012/13 kula guuleestay sedex koob oo taariikhi ah.
Hadaba xidigan isbadal doonka ah Liverpool maku xasili doonaa hadii ay xagaagan gacanta kusoo dhigto.