Home » Horyaalada » France League I » Liverpool Oo Loogu Sheegay Xidigii Badali Laha Steven Gerard Ligue 1 France!!

Liverpool Oo Loogu Sheegay Xidigii Badali Laha Steven Gerard Ligue 1 France!!


Lemina

Kooxda Liverpool fadhi uma yaalo madaama dhamaadka xili cayaareedkan uu garoonka Anfield isaga tagi doono kabtan Steven Gerrard.

Sidaa darteed warar hor leh ayaa sheegayo in Reds haatan loogu sheegay Ligue 1 France xidigii badali lahaa katan Gerrard.

TuttoMercato ayaa sheegay in wakiilada Liverpool u qaabilsan dalka France ay macalin Brenden Rodgers kula taliyeen inuu lasoo saxiixdo Mario Lemina oo khadka dhexe kaga cayaaro naadiga Marseille.

21-jirkan asaal ahaan kasoo jeedo dalka Gabon balse ka tirsan xulka Fance ee da’dooda ka hooseyso 21-sano ayaa xili wanaagsan la qaadanaayo kooxdiisa Marseille.

Wuxuuna xili cayaareedkan u saftay 14-kulan Ligue 1 France asigoo dhaliyay 2-gool sidoo kalena waa laacib aad ugu wanaagsan dhanka kubad raacista.

Mario Lemina ayaa iska diiday martiqaad uu ka helay xiriirka kubada cagta Gabon si uu koobka qaramada Afrika xulka Gabon kala qayb qaato wuxuuna doonayaa laacibkan inuu xulka France loogu yeero.

Wararka ayaa intaas ku daraayo in Liverpool ay dhigeeda Marseille la xariirtay balse kooxda reer France xiligan diyaar uma ahan inay fasaxdo Mario Lemina inkastoo ay macquul tahay in dhamaakda xili cayaareedkan ay Liverpool ka iibiso.

Halkaan Ka dhiibo Fikirkaaga Facebook-ga Ee Warbixintaan

Fikir Ayaa Laga Dhiibatay Warbixintaan

One Response to Liverpool Oo Loogu Sheegay Xidigii Badali Laha Steven Gerard Ligue 1 France!!

  1. saleebaankaafi:liverpool Reply

    20-January-2015 at 5:00 pm

    Welcom waa xidig casriya oo mug wayn oo aan la dhayalsan karin waa xidig ku haboon liverpool mario lemina

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

You may use these HTML tags and attributes: <a href="" title=""> <abbr title=""> <acronym title=""> <b> <blockquote cite=""> <cite> <code> <del datetime=""> <em> <i> <q cite=""> <strike> <strong>