Madaama Liverpool ay wax hormar ah ka sameyn weesay soo xero galinta weeraryahanka Napoli Gozalo Higuain waxay haatan kooxda diirada saartay sidii ay kula soo saxiixan laheed hogaamiyaha kooxda FC Porto.
Jackson Martinez ayaa ku faraxsan dalabka ay kooxda Liverpool usoo dirtay wuxuuna xidigan u dhashay dalka Colombia horey u sheegay inuu iska diidi doonin hadii uu helo fursad uu Premiership-ka England ugu soo dhaqaaqayo.
Wargeska Daily Express ayaa ka dhawaajiyay in Liverpool ay ugu tala gashay soo xero galinta Jackson Martinez £30m waana qiimaha ay horey u sheegtay inay kooxda FC Porto laacibkan kaga samri karto.
28-jirkan waa gool dhaliye la isku haleen karo madaama uu Porto u dhaliyay 72-gool asigoo u saftay 106-kula horyaalka dalka Portugal sidoo kalena xidigan kooxda Arsenal ayaa saxiixiisa ku raad joogto.
Balse wararka ka imaanayo dalka Portugal ayaa sheegayo in haatan ay Liverpool ku horeyso loolanka loogu saxiixa weeraryahankan awooda badan.
abuukar(reds)
November 9, 2014 at 1:53 pm
welcome to Liverpol?
waa in la buriyaa br waayo ma hayo xirfad macalinimo
zakaria bakkali
November 9, 2014 at 3:55 pm
Wellcome to jackosn martiñez Liverpool fc