Home » Maxaa Cusub » Louis Van Gaal Oo Ku Amray Goolhaye David De Gea Inuu Soo Xaadiro Tababarka Kooxda Isbuuca Soo Aadan

Louis Van Gaal Oo Ku Amray Goolhaye David De Gea Inuu Soo Xaadiro Tababarka Kooxda Isbuuca Soo Aadan


David De Gea

Louis Van Gaal ayaa fariin u diray goolhayaha reer Spain ee kooxda David De Gea isagoo ku amraya inuu tababarka kooxda kusoo laabto todobaadka soo aadan xili xidigaan si ba’an loola xiriirinayo kooxda Real Madrid.

Manchester United ayaa ku diiday dhigeeda Madrid dalab 15 Malyan Oo Pound ah oo ay kasoo gudbisay goolhayaha reer Spain, kaas oo isaga qudhiisa aad u daneynaya inuu ku laabto dhulkiisa hooyo.

Iyadoo De Gea uu dareenkaas ku jiro hadana macalinka reer Holland ee kooxda leyliya Louis Van Gaal ayaa u sheegay 24-jirkiisa inuu ka rajeynayo dib ugu soo laabashada tababarka xili kooxda ay isku diyaarineyso safaro ay ku aadi doonto dunida sida ay ogaata Daily Star.

Waxa la aaminsan yahay in De Gea uu macsalaameyay ciyaartoyda kooxda, balse wax walba waxey ku xiran yahiin wadahadalada labada kooxood, De Gea ayaana qeyb ka noqon doona kooxda United ee aadeysa Mareykanka.

Ugu dambeyntiina David De Gea qandaraaska uu kulajiro Man United waxaa kaga haray hal sanadood, la arki doonee halka uu xaalkiisa ku dambeeyo.

CCCCC KKK

Halkaan Ka dhiibo Fikirkaaga Facebook-ga Ee Warbixintaan

Fikir Ayaa Laga Dhiibatay Warbixintaan

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

You may use these HTML tags and attributes: <a href="" title=""> <abbr title=""> <acronym title=""> <b> <blockquote cite=""> <cite> <code> <del datetime=""> <em> <i> <q cite=""> <s> <strike> <strong>