Home » Horyaalada » La Liga Spain » Macalin Benitez Saxiixyo Dheeri Ah Xagaagan Ma Sameyn Doonaa Iyo Jawaabta Uu Ka Bixiyay

Macalin Benitez Saxiixyo Dheeri Ah Xagaagan Ma Sameyn Doonaa Iyo Jawaabta Uu Ka Bixiyay


Benitez

Rafa Benitez shaqo culus ayaa u taalo madaama uu hogaanka kooxd Real Madrid la wareegay sidoo kalena naadigan waa mida ugu cadaadiska badan caalamka.

Sidaa darteed tababaraha reer Spain ayaa la weydiiyay inuu saxiixyo dheeraad ah sameyn doono xagaagan inta uu suuqa Yurub furan yahay wuxuuna kaga jawaabay.

“Dabcan wajiyo cusub ayaa kooxdeyda kusoo kordhi doonaan sida Danilo ooh ore FC Porto laga heshiiyay qiimahiisa”

“Sidoo kale Casemiro ayaa kooxda dib ugu soo laaban doono waana xidig hormar wanagsan sameeyay 12-bilood ee uu FC Porto amaah kula joogay”

“Sidoo kalena waa macquul inaan saxiixyo muhiim ah sameeno inkastoo aan ka hordhici karin midaas”

“Laakiin waa arin dhib badan inaan wax ka badalo 11 Madrid joogtada ugu cayaarto ama aan sare u qaado bandhigooda cayaareed”

“Waayo waa xidigo heer caalami ah sidoo kalena kubada cagta maqaam sare ka gaareen waana arin dhib badan inaan xidigahaas mid walbo booskiisa wax ka taabto”

Xidigaha qaar sida Cristiano Ronaldo, Iker Casillas, Sergio Ramos, Gareth Bale iyo Raphael Varane ayaa dhamaantood la hadal hayaa inay xagaagan Real Madrid isaga tagi doonaan.

Macalin Benitez wuxuu yiri “Markii ugu horeesay ee aan xarunta Madrid imaaday sida ay maamulka iyo taageerayaasha ii soo dhaweeyeen ayay xidigaha kooxda ugu qanceen magacaabisteyda”

“Si joogto ah ayaan ula xariiraa mana jiro xidig ilaa haatan si toos ah iigu sheegay inuusan rabin inuu xili cayaareedka dambe Madrid sii joogin”

 

CCCCC KKK

Halkaan Ka dhiibo Fikirkaaga Facebook-ga Ee Warbixintaan

Fikir Ayaa Laga Dhiibatay Warbixintaan

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

You may use these HTML tags and attributes: <a href="" title=""> <abbr title=""> <acronym title=""> <b> <blockquote cite=""> <cite> <code> <del datetime=""> <em> <i> <q cite=""> <s> <strike> <strong>