Macalinka xulka Brazil Dunga ayaa ka hadlay ganaaxii lama filaanka ah ee Neymar la dul saaray wuxuuna xidigan seegi doonaa dhamaan kulamada tartanka Copa America madaama 4-kulan oo ganaax ah garka loo galiyay.
Macalin Dunga ayaa sheegay in ganaaxa Neymar la dul dhigay inuu saameyn doono dhamaan habsima u socodka iyo xiisaha tartanka Copa America.
Asigoo arinkan ka hadlaayo wuxuu yiri “Neymar waa shaqsi aad ugu weyn qaarada Koonfur Amerika sidaa darteed ganaaxa la saaray Brazil kaliya qasaaro kuma ahan sidoo kalena tartanka Copa America qiimahiisa ayaa lumaayo!”
“Qof walbo oo kubada jecel wuxuu jecel yahay inuu arko Neymar oo cayaarayo wuxuuna la mid yahay Lionel Messi, Angel Di Maria iyo Alex Sanchez waana xidigaha dartooda tartanka Copa America loo daawanayo”
“Hadii qof walbo oo qalad ka dhaco la dul dhigo ciqaab aad u adag ma jiri laheyn dhamaanteena qof halkan joogi lahaa waxaana muhiim ah inaan kubada hor marino ee ma ahan inaan kubada dilno”
Macalin Dunga iyo xiriirka kubada cagta Brazil ayaa racfaan ka qaateen ganaaxa 4-kulan ee Neymar la dul dhigay kadib markii uu rabshad sameeyay kulankii Brazil 1-0 guuldaro kala kulantay xulka Colombia cayaarta markii ay dhamaatay habeenkaas.