Home » Maxaa Cusub » Macalin Luis Van Gaal Oo U Calaameestay Ilkay Gundogan Inuu Yahay Xidiga Badali Karo Carrick

Macalin Luis Van Gaal Oo U Calaameestay Ilkay Gundogan Inuu Yahay Xidiga Badali Karo Carrick


Carrick

Macalinka kooxda Man United Luis Van Gaal ayaa sheegay in kooxdiisa ay xagaagan wax walbo u sameyn doonto sidii ay gacanta ugu soo dhigi laheed xidiga khadka dhexe Dortmund kaga cayaaro Ilkay Gundogan.

Macalin Van Gaal ayaa doonayo in Gundogan uu booska Michael Carrick galiyo madaama Carrick dhaawaciisa batay sidoo kalena uusan sanado badan Old Trafford si joogto ah kaga sii cayaari Karin.

Ilkay Gundogan qandaraaska uu kooxdiisa Dortmund kula jiro ayaa ku eg bartamaha sanadka wuxuuna diiday inuu kooxdiisa wax heshiis ah u saxiixo.

Sidaa darted Dortmund waxay diyaar u tahay inay dalab 16-milyan oo pound xidigan dhaafsato waana qiimo lacageed oo ay Man United bixin karto.

Ilkay Gundogan horey ayuu u sheegay inuu jecel yahay ka cayaarista Premiership-ka England wuxuuna wakiilkiisa sheegay in xidigan xagaagan ka faa’iideesan doono dalabyada heerka sare ee miiska u saran.

Sidoo kale kooxaha Arsenal iyo Man City ayaa Ilkay Gundogan ku raad joogaan waxaana hubaal ah in 23-jirkan saxiixiisa si adag loogu dagaalami doono marka uu xili cayaareedkan dhamaado.

CCCCC KKK

Halkaan Ka dhiibo Fikirkaaga Facebook-ga Ee Warbixintaan

Fikir Ayaa Laga Dhiibatay Warbixintaan

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

You may use these HTML tags and attributes: <a href="" title=""> <abbr title=""> <acronym title=""> <b> <blockquote cite=""> <cite> <code> <del datetime=""> <em> <i> <q cite=""> <s> <strike> <strong>