Macalinka reer Serbia Sinisa Mihajlovic ayaa si rasmi ah shaaca uga qaaday xiliga uu la wareegi doono hogaanka kooxda AC Milan.
Sinisa Mihajlovic oo ka qayb qaadanaayay bandhiga Audi Le Mans ayaa si kalsooni ku dheehan kaga hadlay qaabka uu hogaanka Milan kula wareegi doono.
Wuxuuna yiri “Waxba ha wal walina waxaan noqon doonaa macalinka AC Milan 15-maalmood ee nagu soo fool leh gudaheeda”
Dhibaatada naadiga Milan haatan ka hor taagan inay Mihalovic macalin ka dhigato ayaa ah in tababare Pippo Inzaghi uusan weli kooxda ka tagin.
Milan ma dooneyso inay Inzaghi racadeyso madaama qandaraaskiisa snaadka 2016 ku egyahay hadii la racadeeyo magdhow mushaarkiisa oo dhameestiran ayuu Milan ka doonayaa.
Sidaa darteed gudoomye ku xigeenka Milan Adriano Galliani ayaa Inzaghi la hadlay wuxuuna siiyay waqti kooban inuu arinkan xal ugu helo.
Galliani ayaa Inzaghi u sheegay inuu xilka Milan si sharaf ku dheehan isaga dhiibo sidoo kalena uu magdhow ahaan u qaato €600,000 hadii kale si waji gabaxnimo ku dheehan xilka looga xayuubin doono!