Kooxaha Man United iyo Liverpool ayaa aqbaar wanaagsan ka heleyn wakiilka weeraryahanka naadiga Lyon Alexandre Lacazette.
Xidigan dhalinta yar ee xili cayaareedkii dhawaa Ligue 1 France wacdaraha ka dhigay ayaa waxaa ku raad joogaan inta badan kooxaha Yurub ugu caansan.
David Venditelli oo ah wakiilka Lacazette ayaa mustaqbalka xidigan ka hadlay wuxuuna yiri “Alexandre waa xidig hormar wanaagsan sameeyay waxaana ila soo xariireen kooxo badan gaar ahaan Man United iyo Liverpool waxaana u sheegay in xagaagan xidigan la heli karo”
Balse gudoomiyaha Lyon Jean-Michel Aulas ayaa arin kale ka dhawaajiyay wuxuuna masuulkan sheegay in xidigan mushaarkiisa ka €4m inay sanad walbo siin doonaan sidoo kalena uu muhiim u yahay kooxdiisa.
Alexandre Lacazette waxaa lagu qiimeeyaa €40m wuxuuna ka mid yahay weeraryahanada ugu wanaagsan qaarada Yurub sidaa darteed Liverpool iyo Man United xidigan qiimo jaban kuma qaadan doonaan xidigan awooda badan sida ka muuqato lacagaha la dul dhigay.