Sida ay tilmamayaan warbixino ka imaanaya Ingiriiska kooxda Man United ayaa heshiis cusub ku abaalmarin doonta daafacooda reer England Phil Jones.
23-jirkaan heerka caalami waxaa heshiiskiisa kaga haray 12-bilood wuxuuna dhacayaa June 2016, balse Daily Mail ayaa qortay in xidigaan heshiis cusub laga saxiixi doono sidoo kalana uu todobaadkii qaadan doono 80,000 kun Pound.
Si la mid ah Smalling oo heshiis waqti dheer u saxiixay kooxda United ayaa laga filayaa Jones inuu heshiis waqti dheer saxiixo inkastoo aan la sheegin heshiiska inta uu gaarsiisan yahay.
Si kastaba Phil Jones wuxuu United kusoo biiray 4-sano ka hor isagoo 19-jir ah wuxuuna xiligaas kaga yimid kooxda Blackburn Rovers aduun dhan 16 Malyan Oo Pound.
Ugu dambeyntii Jones ayaa ka mid ah daafacyada ugu muhiimsan Man United wuxuuna ciyaari karaa laba boos oo ah daafaca dhexe iyo daafaca Midig.