Home » Maxaa Cusub » Man United Oo Isku Diyaarineyso Inay Dalab Rasmi Ah U Gudbiso Tottenham Si Kaga Hesho Goolhaye Lloris

Man United Oo Isku Diyaarineyso Inay Dalab Rasmi Ah U Gudbiso Tottenham Si Kaga Hesho Goolhaye Lloris


Lloris

Kooxda Man United ayaa sii dardar galin doonto lacagaha faraha badan oo ay xagaagan suuqa Yurub ku qarash gareyn doonto.

Sidaa darteed Daily Mirror ayaa ka dhawaajiyay in United ay dalab rasmi ah u gudbin doonto dhigeeda Tottenham maal maha nagu soo fool leh si ay goolhaye Hugo Lloris kaga hesho.

Xidiga reer France xagaagan xaalkiisa ma fadhiyo wuxuuna u hanqal tagaayay dalabka Man United labadii bilood ee ugu dambeesay.

Mirror ayaa sheegay in Man United ay ugu tala gashay saxiixa Lloris £25m waana qiimo lacageed oo ay kooxda Spurs soo dhaweyn doonto.

United inay goolhaye cusub hesho wey ku qasban tahay madaama goolhaye David de Gea uu kusii dhawaanayo ku biiritaanka kooxda Real Madrid.

Lloris sidoo kale waxaa lala xariirinaa naadiga PSG wuxuuna xidigan ka gadoodsan yahay inuu Tottenham lasii joogo madaama uu qorshihiisa yahay inuu xili cayaareedka dambe cayaaro koobka horyaalada Yurub.

Waxayna Man United diyaar ula tahay riyaadiisa madaama ay ka qayb qaadan doonto tartanka Yurub sidoo kalena Lloris mushaar aad u sareeyo ayaa la siin doonaa hadii uu Old Trafford usoo dhaqaaqo.

CCCCC KKK

Halkaan Ka dhiibo Fikirkaaga Facebook-ga Ee Warbixintaan

Fikir Ayaa Laga Dhiibatay Warbixintaan

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

You may use these HTML tags and attributes: <a href="" title=""> <abbr title=""> <acronym title=""> <b> <blockquote cite=""> <cite> <code> <del datetime=""> <em> <i> <q cite=""> <s> <strike> <strong>