Jariirada L’Equipe ayaa sheegtay in kooxda Man United ay go’aan ku gaartay sidii ay xagaagan gacanta ugu soo dhigi laheyd goolhayaha xulka France Hugo Lloris.
Sidaa darteed jariiradan ayaa sheegay in Man United ay dhigeeda Tottenham ku wareejin doonto goolhaye Victor Valdes iyo lacago dheeraad ah si saxixa Lloris aan loogu dhibin.
Man United waxay dareentay in goolhayaheeda kowaad David De Gae uusan lasii joogi doonin madaama kooxda Real Madrid xagaagan xidigan uu kusii jeedo.
Sidaa darteed kooxda uu macalin Luis Van Gaal u yahay waxay Tottenham ku wareejin doontaa £25million iyo goolhaye Valdes waana dalab ay kooxda Tottenham si dhaqsi ah ku aqbali doonto.
Inkastoo labadan naadi ay wada hadalo wanaagsna wadaan hadana goolhaye Lloris go’aankiisa meel gaar ah ayuu yaalaa.
Wuxuuna horey u sheegay inuu ku biiri doono kooxdii xili cayaareedka dambe ka qayb qaadaneyso koobka horyaalada Yurub sidaa darteed Man United saxiixa Lloris ay Old Trafford ku keeneyso waxay ku xirnaan doontaa inay Champion-ka usoo baxdo marka hore.