Manchester United ayaa sameyneysa wax walba oo ay ku heli karto daafaca midig ee kooxda Everton Seamus Coleman kaas oo ah xidiga kaliya ee bartilmaamedka u ah Van Gaal marka la eego ciyaartoyda daafaca midig.
Kadib guuldaradii Nathaniel Clyne iyo Dani Alves macalinkaan reer Holland wuxuu u dhaqaaqay soo xerogalinta Coleman si uu koox dhameysiran ula soo shirtago xagaaga soo aadan.
Everton ayaa ku wargalisay Man United in Seamus Coleman uusan iib aheyn isla markaana aysan waqtigeeda qaaliga ah xidigaan isaga lumin.
Si kastaba United ayaa dalab cajiib badan u gudbineysa Everton kaas oo indho qabad leh waxeyna ku wareejineysaa Jonny Evans iyo lacag aan la shaacin cadadeeda.
Jonny Evans 12-bilood ayaa qandaraaskiisa kaga haray kooxda, mana uusan helin cusbooneysiin sida Smalling, Jones, McNair iyo Blackett.
Ugu dambeyntii daafaca waqooyiga Ireland ee Evans ma ahan xidig muhiim u ah Van Gaal waana sababta uu heshiiska Coleman qeyb uga dhigi rabo.