Home » Maxaa Cusub » Man United Oo U Dhaqaaqi Doonta Soo Xerogalinta Stefan de Vrij Hadii Ay Ku Fashilanto Saxiixa Sergio Ramos

Man United Oo U Dhaqaaqi Doonta Soo Xerogalinta Stefan de Vrij Hadii Ay Ku Fashilanto Saxiixa Sergio Ramos


Virj

Majaladda De Telegraaf ee kasoo baxda dalka Holland ayaa qortay in Manchester United ay bartilmameed ka dhiganeyso Stefan de Vrij hadii ay ku fashilmaan soo xerogalinta daafaca Madrid Sergio Ramos.

23-jirkaan heerka caalami ee xulka Holland ayaa xagaagii lasoo dhaafay ku biiray SS Lazio wuxuuna u saftay 32-kulan isagoo markaas kaga yimid kooxda Feyenoord ee dalkiisa hooyo.

Man United ayaa xidigaan isha ku heysay xagaagii hore madama uu wacdaro ka dhigay koobkii Aduunka balse wuxuu ka doortay kooxda reer talyaani.

Hadii United ay ku fashilanto helitaanka Ramos waxey ku qasban tahay iney bixiso 18.3 Malyan Oo Pound oo ah lacagaha xidigaan uu ku qiimeysan yahay waqtigaan.

Dhanka kale Fox Sport ayaa shaacisay in Stefan de Vrij uu aad ugu faraxsan yahay nolosha magaalada Roma iyo kooxdiisa madama uu ka dhawaajiyay inuu sii joogi doono Olympico.

“Waan ku faraxsanahay Lazio, sanadka dambana waan sii joogi doonaa” Ayuu yiri Stefan de Vrij oo la hadlayay Fox Sport.

Ugu dambeyntiina Stefan de Vrij ayaa doonaya inuu kasoo muuqdo Champions League xagaagan madama Lazio ay nasiib u yeelatay ka qeyb galka tartankaas walow ay isreeb-reeb mari doonto.

CCCCC KKK

Halkaan Ka dhiibo Fikirkaaga Facebook-ga Ee Warbixintaan

Fikir Ayaa Laga Dhiibatay Warbixintaan

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

You may use these HTML tags and attributes: <a href="" title=""> <abbr title=""> <acronym title=""> <b> <blockquote cite=""> <cite> <code> <del datetime=""> <em> <i> <q cite=""> <s> <strike> <strong>