Home » Maxaa Cusub » Man United Oo Wadahadalo Ku Aadan Arinta Edinson Cavani La Furtay Kooxda Paris Saint Germain

Man United Oo Wadahadalo Ku Aadan Arinta Edinson Cavani La Furtay Kooxda Paris Saint Germain


Cavani1

Kadib markii uu laba gool dhaliyay kulankii xalay ay kooxdiisa 4-0 ku dhufatay naadiga Bastia finalkii Koobka dalka Faransiiska, hadana warbaahinta Ingiriiska ayaa wali la xiriirineysa Cavani inuu kusii jeedo Old Trafford.

Sunday Express ayaa bogga dambe kusoo qortay in Man United ay wadahadal la furtay kooxda Paris Saint Germain iyadoo kala hadleysa xidiga reer Uruguay Edinson Cavani.

Edinson Cavani ayaa qaadi doona masuuliyada kooxda PSG ee dhanka weerarka madama Zlatan Ibrahimovic uu ganaax ku maqnaan doono kulanka Champions League ee Barcelona iyo afar kulan oo horyaalka ah, walina Express waxey aaminsan tahay ineysan arintaas joojin doonin imaanshaha Cavani ee Old Trafford.

Louis Van Gaal ayaa doonaya inuu iska celiyo Radamel Falcao isla markaana uu lasoo saxiixdo Cavani, halka sidoo kale la sheegayo in Robin Van Persie uu kooxda ka huleelayo.

Si kastaba Express ayaa aaminsan in United ay ka miro-dhalin doonto wadahadalada ay la furtay PSG, xili ay ka gows heysato isku dhaca u dhaxeeya Laurent Blanc iyo Cavani.

CCVuqnyW0AAMrzu Man United have opened talks with PSG striker Edinson Cavani [Sunday Express]

CCCCC KKK

Halkaan Ka dhiibo Fikirkaaga Facebook-ga Ee Warbixintaan

Fikir Ayaa Laga Dhiibatay Warbixintaan

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

You may use these HTML tags and attributes: <a href="" title=""> <abbr title=""> <acronym title=""> <b> <blockquote cite=""> <cite> <code> <del datetime=""> <em> <i> <q cite=""> <s> <strike> <strong>