Home » Maxaa Cusub » Manchester City Oo Dooneysa U Adeegsato Samir Nasri Soo Xerogalina Paul Pogba

Manchester City Oo Dooneysa U Adeegsato Samir Nasri Soo Xerogalina Paul Pogba


Nasri

Kooxda Manchester City ayaa dooneysa iney u adeegsato Samir Nasri saxiixa da’yarka Juventus Paul Pogba sida ay ku warantay Daily Mirror.

City ayaa dooneysa iney adkeyso kooxdeeda marka uu dhamaado xagaagan madama sida muuqata ay ku fashilantay kooxda iney difaacato EPL-ka madama ay dhibco dhowr ah ka hooseyso Chelsea oo hogaamineysa xili uu dhamaad ku dhaw yahay horyaalka.

Paul Pogba ayaa noqday mid ka mid ah xidigaha loogu hadal heynta badan yahay suuqa kala iibsiga maadama uu lasoo baxay awood dheeri ah.

Manchester City ayaana diyaar u ah iney Juventus ku wareejiso Samir Nasri iyo lacag kaash ah si ay u hesho Paul Pogba.

Dhanka kale Paul Pogba waxaa doonaya kooxaha Chelsea, United, PSG, Barca iyo Real Madrid, balse kooxda Juventus ayaan wali ka hadlin hadii ay dooneyso iney xidigeeda iibineyso marka uu dhamaado xagaagan.

Ugu dambeyntii Paul Pogba ayaa haatan dhaawac kaga maqan kooxda Juventus kadib dhaawac kasoo gaaray kulankii lugta labaad ee Dortmund wareega 16-ka UCL.

CCCCC KKK

Halkaan Ka dhiibo Fikirkaaga Facebook-ga Ee Warbixintaan

Fikir Ayaa Laga Dhiibatay Warbixintaan

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

You may use these HTML tags and attributes: <a href="" title=""> <abbr title=""> <acronym title=""> <b> <blockquote cite=""> <cite> <code> <del datetime=""> <em> <i> <q cite=""> <s> <strike> <strong>