Home » Maxaa Cusub » Manchester United Oo Fursad U Heysata Iney Codsato In La Baajiyo Kulanka Arsenal Ee Sabtida

Manchester United Oo Fursad U Heysata Iney Codsato In La Baajiyo Kulanka Arsenal Ee Sabtida


Blind

Hadii Daley Blind, Michael Carrick iyo David De Gea ay ku qasbanaadaan iney seegaan kulanka Arsenal ee Sabtida dhaawac darteed, Manchester United waxaa loo ogol yahay iney codsato in kulankaas la baajiyo.

Dhaawaca Ciyaartoyda xiliga uu gudnayo ciyaaraha qaran waa nasiib daro, sida ay Liverpool ka marqaati tahay, balse iney dhaawacmaan sadex xidig oo ka tirsan safka hore kooxda kadib ciyaarahii isreeb-reebka Yurub maalmihii ugu dambeeyay ayaa ah nasiib daro.

Haku fakirin iney midaan tahay wax lagu qoslo, qiyaas hadii ay ku dhacdo kooxdaada, markaas waxaad arki kartaa sida ay macquul u tahay una saxan tahay, jooji naceebka Manchester United, kana fikir sida uu sharcigaan faa’iido ugu yahay kubada cagta iyo sida macquulka ah oo uu kooxaha dhan u caawin karo.

Blind (Jilib), Carrick (Gumaarka), De Gea (Farta) ayaa dhaawac kaga maqnaan kara Manchester United kulanka ay martida u tahay Arsenal sabtida, xili Louis Van Gaal uusan wali cadeyn in De Gea iyo Carrick ay seegi karaan kulanka.

Sharcigaan wuxuu u furan yahay koox walba oo ka tirsan qaarada yurub, kuwaas oo ay ciyaartoydooda ku waxyeeloobaan iyagoo gudanaya waajibaadkooda qaranka.

5 Responses to Manchester United Oo Fursad U Heysata Iney Codsato In La Baajiyo Kulanka Arsenal Ee Sabtida

  1. Abdala sh ali Reply

    November 18, 2014 at 2:27 pm

    Ma aha wax lagu qoslo mana maqlin waligey waxaan inta aan kubada cagta daawanayay sxb arsenal oo safkeeda hore dhaawac kuwada maqan ayaa chelsea kahor tagtay waana la ogaa wixi ka qabsaday marka sharcigaan ma aha sharci fifa ankee ay soo saartay roob ama qabow farabadan inuu ubaaqdo waa suuragal lkn ciyaariyahan ayaa iga dhaawacan aaway ragi binjiga fadhiyay mise kuwaas dad maaha sxb aad baan ugu qoslay qoraalkaaga

  2. Bashiir Addow Reply

    November 18, 2014 at 2:30 pm

    Asc, salaan kadib sxb dib u milicso markii ay Man united Arsenal 8-2 uga badineeysy, waxaa the Gunners ka maqnaa oo dhaawacnaa ciyaaryahano badan oo muhiim ahaa, sidoo kale waxaa ganaax ku maqnaa ciyaartooy muhiim ah, marka calaacalka dhaafa reer United

  3. dimaria Reply

    November 18, 2014 at 3:01 pm

    Ader man united iyo 10 ciyaryahan mihima ka ma qa yihin ba xarsinal ka badidana viva rooney dimaria mata janusaj herera rvp

  4. abdalle Reply

    November 18, 2014 at 3:17 pm

    kkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkk
    waa wax laguqoslo waayo ree man u imisa dadka kuqodlayeen wax labaajiyo yeysanjirin si aan udaawano man ooo la shukulayeeeee

  5. dj arab Reply

    November 21, 2014 at 2:48 am

    kkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkk wel come rer arsenal waxa naliga celinayo ma man u baa a ragna waxa dhaca sabtida iyo muran la,an inshaa allaah

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

You may use these HTML tags and attributes: <a href="" title=""> <abbr title=""> <acronym title=""> <b> <blockquote cite=""> <cite> <code> <del datetime=""> <em> <i> <q cite=""> <strike> <strong>