Sida ay sheegayaan warbixino ka imaanaya Ingiriiska kooxda Manchester United ayaa miiska u saareysa dhigeeda Tottenham Hotspur aduun dhan 40 Malyan Oo Pound si ay ugu soo wareejiso da’yarkooda Harry Kane.
Xidigaan reer England ayaa kasoo hilaacay EPL-ka xagaagii dhamaaday kaas oo ahaa kii ugu horeeyay oo uu kooxda koowaad ee Spurs u dheelo, madama uu shabaqa ku shubay 21-gool dhamaan kulamadii uu ciyaaray horyaalka.
Kane bandhigiisa quruxda badan waxaa la dhacay Louis Van Gaal oo maamula kooxda Man United kaas oo ay kooxdiisa baadi goob ugu jirto helitaanka weeraryahan kooxda dib ugu soo celiya maqaamkeedii madama ay labadii sano ee lasoo dhaafay jiiftay.
Gudoomiyaha Spurs Daniel Levy ayaa xidigaan madaxiisa dul dhigay 50 Malyan Oo Pound, balse United waxey isku qancineysaa iney dhameyn karto saxiixa xidigaan xagaagan.
Sidoo kale Harry Kane ayaa sidoo kale nasiib u helay in looga waco xulka England, wuxuuna ku guuleystay inuu kulankiisii ugu horeeyay shabaqa gaaro ciyaar ay Ingiriiska guul ka heleen Lithuania, badal ayuuna kusoo galaya.
Ugu dambeyntii gudoomiye ku xigeenka United Ed Woodward ayaa si qaas ah kulan ula yeelanaya dhigiisa Daniel Levy si uu arinta xidigaan ugala hadlo.