Home » Maxaa Cusub » Manchester United Oo Wadahadal La Fureysa Wakiilka Goolhayaha Inter Milan Samir Handanovic

Manchester United Oo Wadahadal La Fureysa Wakiilka Goolhayaha Inter Milan Samir Handanovic


Handanovic

Kooxda Manchester United ayaa wahadal la fureysa wakiilka goolhayaha kooxda Inter Milan Samir Handanovic sida ay tilmaamayaan warbixino ka imaanaya Ingiriiska.

Kooxda ka dhisan garoonka Old Trafford ayaa si ba’an loola xiriirinayaa goolhayahaan kaas oo qandaraska uu Inter Milan kula joogo uu dhamaan doono dhamaadka xagaaga soo aadan.

Gazzetta dello Sport ayaa cadeysay in 30-jirkaan wakiilkiisa uu u duuli doono magaalada Manchester isbuucaanb si uu wadahadalo ula galo maamulka kooxda Manchester United.

Man United haatan waxaa goolhaye labaad u ah Victor Valdes oo heshiis 18-bilood ah kooxda u saxiixay sidoo kalana waxey kooxdaan ka cabsi qabtaa in David De Gea uu ku biiro kooxda Real Madrid iyadoo markaas dooneysa inuu goolka u qabto Handanovic.

Goolhayihii hore kooxda Udinese Samir Handanovic ayaa ka mid ah goolhayeyaasha ugu qatarsan horyaalka talyaaniga.

Ugu dambeyntiin goolhayahaan reer Slovenia ayaa qudhiisa doonaya inuu soo tijaabiyo meel ka baxsan nolosha talyaaniga oo uu mudo ku sugnaa.

CCCCC KKK

Halkaan Ka dhiibo Fikirkaaga Facebook-ga Ee Warbixintaan

Fikir Ayaa Laga Dhiibatay Warbixintaan

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

You may use these HTML tags and attributes: <a href="" title=""> <abbr title=""> <acronym title=""> <b> <blockquote cite=""> <cite> <code> <del datetime=""> <em> <i> <q cite=""> <s> <strike> <strong>