Home » Maxaa Cusub » Masuulka Ugu Sareeyo Dortmund Hans-Joachim Watzke Oo Qirtay Inay Xagaagan Hummels Iibin Doonaan

Masuulka Ugu Sareeyo Dortmund Hans-Joachim Watzke Oo Qirtay Inay Xagaagan Hummels Iibin Doonaan


Hummels (2)

Hans-Joachim Watzke ayaa si rasmi ah u sheegay in kooxdiisa ay dhageesan doonto dhamaan dalabyada ku aadan Mats Hummels sidoo kalena ay daafacan xagaagan fasixi doonaan.

Daafaca xulka Jarmalka kula guuleestay koobka aduunka sanadkii hore ayaa siwey loola xariirinaa inuu xagaagan kooxda Man United u dhaqaaqi doono.

Sidaa darteed masuulka ugu sareeyo Dortmund Hans-Joachim Watzke isagana arinkaas si toos ah uma diidin wuxuuna yiri “Xiligan la joogo wax dalab ah dhanka Hummels nagama soo gaarin”

“Balse hadii dalab nasoo gaaro waan ka fariisan doonaa maamul ahaan kadiba kooxda go’aan ayay ka qaadan doontaa”

“Sanad walbo cayaaryahan muhiim ah ayaan luminaa balse ma joojin doono cayaarista kubada cagta!”

“Mats isaga wuu og yahay inuu heshiis kula jiro Dortmund sidaa darteed go’aanka ku aadan halka uu xili cayaareedka dambe ka cayaari doono maamulk Dortmund ayaa go’aan ka gaari doonaan”

Waa markii uu horeesay ee Mr. Hans-Joachim Watzke hadalkiisa dabciyo sidoo kalena kaga hadlo si siyaasadeesan mustaqbalka Hummels oo siweyn loo sadaalinaayo inuu Man United maaliyadeeda xagaagan xiran doono.

CCCCC KKK

Halkaan Ka dhiibo Fikirkaaga Facebook-ga Ee Warbixintaan

Fikir Ayaa Laga Dhiibatay Warbixintaan

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

You may use these HTML tags and attributes: <a href="" title=""> <abbr title=""> <acronym title=""> <b> <blockquote cite=""> <cite> <code> <del datetime=""> <em> <i> <q cite=""> <s> <strike> <strong>