Home » Horyaalada » italian Serie A » Mazzoni & Maiorino Oo u Duulaya Dalka Colombia Si Ay Usoo Afjaraan Saxiixa Carlos Bacca Ee Milan

Mazzoni & Maiorino Oo u Duulaya Dalka Colombia Si Ay Usoo Afjaraan Saxiixa Carlos Bacca Ee Milan


Bacca

Ac Milan ayaa ku warantay iney dalka Colombia u direyso dhaqtarka gaarka ah ee kooxda iyo agaasimaha ciyaaraha si ay usoo dhameeyaan saxiixa Carlos Bacca.

La Gazzetta dello Sport ayaa qortay in kooxaha Milan iyo Sevilla ay shalayto dhameystireen wax walba oo ku saabsan arinta xidigaan ee suuqa kala iibsiga waxaana la sugayaa kaliya in la dhameystiro saxiixiisa.

Dhaqtarka kooxda Stefano Mazzoni iyo agaasimaha ciyaaraha ee kooxda Rocco Maiorino ayaa lagu waramay iney u duulayaan maanta Colombia si ay ula kulmaan xidiga.

Wargeysyada ayaa aaminsan in Stefano Mazzoni uu soo ogaan doono xaalada caafimaad ee 28-jirkaan reer Colombia, halka Maiorino uu isna goob joog ka noqon doono halka heshiiska uu xidigaan ku saxiixayo.

Dhanka kale waxaa lagu soo waramayaa in Carlos Bacca uu heshiis afar sano ah saxiixi doono isagoo sanadii qaadan doona 3.5 Malyan Oo Euro, La Gazzetta dello Sport ayaana aaminsan in Milan ay saxiixiisa ku dhawaaqi doonto xidigaan maanta galinka dambe.

CCCCC KKK

Halkaan Ka dhiibo Fikirkaaga Facebook-ga Ee Warbixintaan

Fikir Ayaa Laga Dhiibatay Warbixintaan

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

You may use these HTML tags and attributes: <a href="" title=""> <abbr title=""> <acronym title=""> <b> <blockquote cite=""> <cite> <code> <del datetime=""> <em> <i> <q cite=""> <s> <strike> <strong>