Home » Horyaalada » La Liga Spain » Mid Ka Mid Ah Ciyaartoyda Real Madrid Oo Aaminsan In Jose Mourinho Uu Kusoo Labanayo Santiego Bernabeu

Mid Ka Mid Ah Ciyaartoyda Real Madrid Oo Aaminsan In Jose Mourinho Uu Kusoo Labanayo Santiego Bernabeu


Mourinho

Daafaca Midig ee kooxda Real Madrid Alvaro Arbeloa ayaa aaminsan iney jirto fursad yar oo uu tababaraha reer Portugal ee leyliya Chelsea ugu soo laaban karo kooxda Real Madrid mar kale mustaqbalka.

Mourinho ayaa ka tagay Real Madrid sanadii 2013, isagoo dib ugu laabtay kooxda Chelsea xili uu sadex sano ku qarash gareeyay kooxda ka dhisan caasimada Spain.

Inkastoo Mourinho uu kooxda Real Madrid u kala qeybiyay laba qeybood hadana waxaa jira rajo wali ku jirta Alvaro Arbeloa taasoo ah inuu maalin Mourinho dib ugu soo laaban doono Real.

“Ma garan karo xiliga ay tahay, balse waxaa jirta suurtagalnimo uu Madrid kusoo laaban doono” ayuu Alvaro u sheegay El Chiringuito.

“Makugu raacsani inuu kala qeybiyay Madrid” ayuu hadalkiisa sii raaciyay.

Ugu dambeyntii suurtagalnimada ah inuu dib ugu soo laabto Real Madrid ayaa ah wax qariib ah madama uu xaalad ka dhex abuuray Madrid mudadii uu joogay.

CCCCC KKK

Halkaan Ka dhiibo Fikirkaaga Facebook-ga Ee Warbixintaan

Fikir Ayaa Laga Dhiibatay Warbixintaan

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

You may use these HTML tags and attributes: <a href="" title=""> <abbr title=""> <acronym title=""> <b> <blockquote cite=""> <cite> <code> <del datetime=""> <em> <i> <q cite=""> <s> <strike> <strong>