Juan Laporta oo ka mid ah musharaxiinta u tartameysa xilka madaxtinimo ee kooxda Bulgarana ayaa ka dhawaajiyay in Eric Abidal uu yahay shaqsiga sahlaya in Paul Pogba uu kusoo biiro kooxda ku ciyaarta Camp Nou.
Pogba ayaa si ba’an loola xiriirinayaa kooxo dhowr ah oo ka dhisan qaarada yurub sida Man City, PSG, Real Madrid iyo Barcelona waxaana la filayaa inuu isaga tago xagaagan kooxda Juventus kadib 3-sano oo uu ku sugnaa Turin.
Si kastaba Laporta ayaa qiray in xiriirka kala dhaxeeya Mino Riola oo ah wakiilka Pogba uu muhiim yahay balse Abidal uu qeyb ka yahay kaas oo la filayo in uu xubin ka noqdo maamulka Barcelona hadii Laporta uu guuleysto.
Laporta wuxuu aaminsan yahay in Mino Riola uu xiriir weyn kala dhaxeeyo madama uu sahlay in Ibrahimovic iyo Maxwell ay kooxda yimaadaan, sidoo kalana Abidal uu yahay shaqsi aad u yaqaana Pogba isla markaana ku qalqaalin kara inuu xidigaan yimaado Camp Nou.
Si kastaba warbaahinta Spain ayaaba goor hore qortay in Paul Pogba uu ku biiri doono Barcelona, walow aan wali la ogaan xaqiiqda jirta.