Home » Horyaalada » La Liga Spain » Mustaqbalka Dani Alves Oo Aan Wali kala Cadaan Xili La Hadal Hayo Inuu PSG Ku Biirayo

Mustaqbalka Dani Alves Oo Aan Wali kala Cadaan Xili La Hadal Hayo Inuu PSG Ku Biirayo


Alves (3)

Sida ay qortay Marca kooxda Barcelona ayaa la filayaa iney fadhi la yeelato daafaca reer Brazil Dani Alves si ay heshiis cusub uga saxiixdo.

31-jirkaan heerka caalami ayaan heshiiska loo kordhin wali, iyadoo la ogyahay in heshiiska uu kooxdiisa kula jiro uu dhacayo dhamaadka xagaagan.

Sida ay tilmaamayeen warbixino ka imaanaya faransiiska xidigaan ayaa heshiis hordhac ah la galay kooxda Paris Siant Germain si uu ugu biiro marka uu furmo suuqa kala iibsiga ciyaartoyda, balse Barcelona ayaa markaan maankeeda badaleysa iyadoo diyaar u ah iney jabiso heshiiskaas.

Barcelona ayaan wali gacanta ku heyn badal macquul ah oo buuxiya booska Dani Alves walina wuxuu muhiim u yahay kooxda Luis Enrique.

Marca ayaana warkaan qortay maanta waana mid ka mid ah jariiradaha ugu xog-ogaalsan kubada cagta Spain la arki doonee halka uu ku dambeeyo mustaqbalka Dani Alves.

CCCCC KKK

Halkaan Ka dhiibo Fikirkaaga Facebook-ga Ee Warbixintaan

Fikir Ayaa Laga Dhiibatay Warbixintaan

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

You may use these HTML tags and attributes: <a href="" title=""> <abbr title=""> <acronym title=""> <b> <blockquote cite=""> <cite> <code> <del datetime=""> <em> <i> <q cite=""> <s> <strike> <strong>