Kooxda Sevilla ayaa si dhaqsi ah kaga jawaabtay wararka sheegayo in Liverpool ay haatan dabagal ku heyso weeraryahanka reer Colombia Carlos Bacca.
Xidigan labadii xili cayaareed ee ugu dambeesay naadiga Sevilla wuxuu u qaaday tartanka Europa League sidoo kalena wuxuu kusoo baxay gool dhaliye awood badan.
Kooxda Sevilla ayaa dhigeeda Liverpool fariin adag u dirtay waxaana loo sheegay hadii ay Carlos Bacca doonayaan inay bixiyaan £21.5m waana qiimaha xidigan qandaraaskiisa lagu jebin karo.
Kooxda Liverpool aya usoo weecatay soo xero galinta Carlos Bacca kadib markii naadiga Aston Villa ay diiday inay hoos u dhigto qiimaha ay dul dhigtay Christian Benteke kaasi oo gaarayo £32.5million.
Carlos Bacca wuxuu xili cayaareedkii hore Sevilla u dhaliyay 28-gool dhamaan tartamada kala duwan sidoo kalena waa weeraryahankan xalin karo dhibaatada Liverpool dhanka gool dhalinta ka heesato.
Balse agaasimaha kooxda Sevilla Monchi ayaa sheegay in 28-jirkan aysan qiimo jaban ku fasixi doonin wuxuuna yiri “Hadii ay koox dooneyso Bacca waa inay bixisaa lacagaha qandaraaskiisa la dul dhigay wixii kale ee kasoo haro waa warar ay saxaafada iska wado”
Liverpool hadii saxiixa Bacca uu ku adkaado waxay diirada saari doontaa Fernando Llorente oo go’aansaday inuu isaga hayaamo kooxdiisa Juventus.