Home » Latin America » Neymar Oo Ka Hadlay Sababta Uu Dalka Brazil Iyo Dib Ugu Laabtay Iyo Niyad Jabka Uu Ka Qaaday Copa America

Neymar Oo Ka Hadlay Sababta Uu Dalka Brazil Iyo Dib Ugu Laabtay Iyo Niyad Jabka Uu Ka Qaaday Copa America


Neymar

Kabtanka xulka Brazil Neymar Jr. ayaa gabi ahaanba isaga tagay dalka Chile ee tartanka Copa America haatan ka socdo.

Neymar oo dhawaan 4-kulan la ganaaxay ayaa ku rajo weynaa in ganaaxiisa laga qafiifin doono balse markii ay u cadaatay in ganaaxa la dul dhigay aan laga cafin doonin xidigan ayaa go’aansaday inuu dib ugu laabto dalkiisa hooyo.

Neymar oo arinkan ka hadlaayo wuxuu yiri “Waan jeclaa inaan Chile baaqi kusii ahaado sidoo kalena aan xulkeyga Brazil lasii joogo balse nasiib daro ganaaxii la ii dul dhigay waxaan ogaaday inaan la qafiifin doonin”

“Sidaa darteed wax micno ah ma sameyneso inaan xulka tababar la qaato hadii aan cayaari karin waayo niyad ahaan iima wanaagsano”

“Sidoo kalena xidigaha Brazil waxaa u wanaagsan inaan goobta ka maqanahan si ay dhamaantooda isku xil qaamaan waana ku kalsoonahay inay Copa America guul ka keeni karaan”

“Runtii 12-bilood ee ugu dambeesay niyad jab weyn ayaan cayaaraha caalamiga kala kulmay waayo koobkii aduunkii dhaawac xanuun badan ayaa i soo gaaray haatan ganaax lama filaan ah ayaa la ii dul dhigay”

“Sidaa darteed labo tartan ee aan ku rajo weynaa inaan xulkeyga u qaado waa la iigu qasbay qaybaha ugu muhiimsan inaan seego”

Brazil oo haatan wareega 8-aad soo gaartay Copa America waxay la cayaari doonaan xulka Paraguay sabtiga nagu soo fool leh waxayna kusii dhici doonaan dalka Argentina ama Uruguay midkood hadii ay Semi Finalaha usoo gudbaan.

 

CCCCC KKK

Halkaan Ka dhiibo Fikirkaaga Facebook-ga Ee Warbixintaan

Fikir Ayaa Laga Dhiibatay Warbixintaan

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

You may use these HTML tags and attributes: <a href="" title=""> <abbr title=""> <acronym title=""> <b> <blockquote cite=""> <cite> <code> <del datetime=""> <em> <i> <q cite=""> <s> <strike> <strong>