Home » Horyaalada » italian Serie A » Patrice Evra Oo Saaxiibkiis Paul Pogba Talo Wanaagsan Siiyay Ka Hor Inta Uusan Wax Talaabo Ah Qaadin

Patrice Evra Oo Saaxiibkiis Paul Pogba Talo Wanaagsan Siiyay Ka Hor Inta Uusan Wax Talaabo Ah Qaadin


Pogba

Daafaca waaya araga ah Patrice Evra ayaa ka hadlay mustaqbalka saaxiibkiis Paul Pogba oo xagaagan siweyn loo hadal haayo inuu kooxdiisa Juventus isaga hayaami doono.

Patrice Evra ayaa aaminsan in Pogba hormarkiisa cayaareed ay u wanaagsan tahay inuu magaalada Turin baaqi kusii ahaado.

Sidoo kale Patrice Evra ayaa kooxdiisa Juventus ku booriyay inaysan Pogba fasixin sidoo kalena iska diidaan dalabka kaga imaanayo kooxaha kale.

Patrice Evra oo arinkaan ka hadlaayo wuxuu yiri “Halkan waxaan u joogaa inaan talo wanaagsan siiyo Pogba balse go’aanka ugu dambeeyo isaga ayaa iska leh”

“Dadka waxay iloobeen Pogba inuu weli dhalin yar yahay balse hadii uu doonayo inuu ku biiro kooxaha Yurub ugu caansan wuu sameyn karaa inkastoo uu 22-jir yahay”

“Balse aniga ahaan waxaa ila wanaagsan inuu Juve lasii joogo waana halka uu hormar balaaran kusii sameyn karo”

“Sidoo kalena uma maleynayo in Juve ay dooneyso inay Pogba fasaxdo waxaana ka rajeynaa inay ceshan doonaan xagaagan”

Pogba heshiiska uu Juve kula joogo waxaa uga harsan mudo 4-sano ah wuxuuna ku eg yahay qandaraaskiisa June 2019.

Hadaba Pogba ma qaadan doonaa talada uu siiyay saaxiibkiis Evra oo ay naadiga Juventus ka wada tirsan yihiin!

CCCCC KKK

Halkaan Ka dhiibo Fikirkaaga Facebook-ga Ee Warbixintaan

Fikir Ayaa Laga Dhiibatay Warbixintaan

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

You may use these HTML tags and attributes: <a href="" title=""> <abbr title=""> <acronym title=""> <b> <blockquote cite=""> <cite> <code> <del datetime=""> <em> <i> <q cite=""> <s> <strike> <strong>