Home » Maxaa Cusub » Paul Pogba Oo Noqon Doono Xiigii Ugu Qaalisnaa Ee Koox Ingiriis Ah Soo Iibsato Iyo Man City Oo Jeebka Furtay

Paul Pogba Oo Noqon Doono Xiigii Ugu Qaalisnaa Ee Koox Ingiriis Ah Soo Iibsato Iyo Man City Oo Jeebka Furtay


Pogba

Inkastoo kooxda Barcelona ay ku rajo weyneed dalabkeeda £57m inay Paul Pogba kaga qaadan karto naadiga Juventus.

Hadana kooxda Man City ayaa qorshahan fashilisay madaama ay fariin rasmi ah Juventus u dirtay sidoo kalena u sheegtay inay diyaar la tahay £71m waana qiimaha ay Juve ku riyooneesay in Pogba looga iibsado.

Daily Mail ayaa shegay in Pogba uu noqon doono cayaaryahankii ugu qaalisnaa ee naadi Ingiriis ah soo iibsato wuxuuna rikoorkan ka jebin doonaa Angel Di Maria oo xagaagii hore Man United £59m Real Madrid kaga soo iibsatay.

Man United ayaa heshiiskan kasoo gaari doonto  £1.25m madaama sharciga FIFA uu u ogolaanayo lacagahan Man United waayo Pogba 3-sano asigoo dhalin yar ayuu Man United ka tirsanaa.

Man City ayaa isku diyaarineyso in Paul Pogba uu safarka cayaareed ee dalka Australia ku aadeyso uu wax ka raaco madaama lacagaha  £71m aysan Juventus diidi karin.

Man City intaas awoodeeda dhaqaale kuma eko waayo waxay Pogba u balan qaaday inay todobaad walbo siin doontaa £240,000 waana lacago uusan xidigan awooda badan marnaba ku riyoonin inuu ku shaqeeyo!!

CCCCC KKK

Halkaan Ka dhiibo Fikirkaaga Facebook-ga Ee Warbixintaan

Fikir Ayaa Laga Dhiibatay Warbixintaan

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

You may use these HTML tags and attributes: <a href="" title=""> <abbr title=""> <acronym title=""> <b> <blockquote cite=""> <cite> <code> <del datetime=""> <em> <i> <q cite=""> <s> <strike> <strong>