Home » Europe » Champions League » Paul Pogba Oo Si Rasmi Ah Loo Sheegay Mudada Uu Garoomada Ka Maqnaan Doono

Paul Pogba Oo Si Rasmi Ah Loo Sheegay Mudada Uu Garoomada Ka Maqnaan Doono


Pogba

Kooxda Juventus ayaa si rasmi ah u sheegtay in xidigeeda ugu muhiimsan Paul Pogba uu garoomada ka maqnaan doono mudo labo bilood ah.

Xidiga reer Frnace dhaawac dhanka muruqa hoose ah ayaa soo gaaray kulankii Juventus 3-0 guusha kaga qaadatay naadiga Dortmund wareega 16-aad koobka horyaalada Yurub lugtiisa labaad.

Waxaa la badalay qaybtii hore ee kulankii Arbacadii aan kasoo gudubnay kadib markii Juve ay kusoo laabatay dalka Talyaaniga waxaaa Pogba baaritaan lagu sameeyay lagu ogaaday inuu  baahan yahay nasiino 8-isbuuc ah.

Paul Pogba haatan waxaa la xaqiijiyay inuu seegi doono kulamada wareega 8-aad ee koobka horyaalada Yurub Juve cayaari doonto madaama dhaqaatiirta Juve ay u qoreen laacibkan awooda badan 50-maalmood oo nasiino ah.

Sidoo kale Pogba wuxuu seegi doonaa kulamada saaxiibtinimo oo ay xulka France la cayaari doonaan xulka Brazil iyo Denmar dabyaaqada bishan.

Hadii Pogba asigoo caafimaad qabo soo laabto kaliya wuxuu safan kara 3-kulan ee ugu dambeyso Serie A-da iyo lugta labaad ee Semi Finalaha koobka horyaalada Yurub hadii ay Juve ay soo gaarto heerkan.

CCCCC KKK

Halkaan Ka dhiibo Fikirkaaga Facebook-ga Ee Warbixintaan

Fikir Ayaa Laga Dhiibatay Warbixintaan

One Response to Paul Pogba Oo Si Rasmi Ah Loo Sheegay Mudada Uu Garoomada Ka Maqnaan Doono

  1. amiin Reply

    20-March-2015 at 9:45 am

    waan ka xumahay dhaawaca xidiga soo garay I am sorry. waa xidig aan laga maarmin marnaba

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

You may use these HTML tags and attributes: <a href="" title=""> <abbr title=""> <acronym title=""> <b> <blockquote cite=""> <cite> <code> <del datetime=""> <em> <i> <q cite=""> <s> <strike> <strong>